marsanews.com
Xusbiga Kulmiye Saxaafad Gaara’ Mise Saxaafada Oo Dhan
October 16, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xusbiga Kulmiye ma jiraan baahiyo rasmiya oo ku kalifi kara inuu warbaahin gaara iyo suxufiyiin gaara uu urursado si ay ugu hawlgalaan wakhtiga ololaha doorashada? Haday jirto se waa maxay baahida dhabta ah ee ku kalifi kartaa?

Dabcan ma filayo inay jirto baahi ku kalifi karta maanta xusbiga kulmiye iyo xusbi kale toona inuu raadsado ama urursado saxafiyiin gaara.’ oo uu ka maarmo saxafiiyinta intoodii kale ee ka badnayd afraadan gaarka ah ee sida gaarka ah u tilmaaman cida gaarka ahina wax u sheegtay waxa gaarka ahna qabanaysa oo waliba hebelo gaara oo hogaanka sare ee xisbiga ah macno caagle u isticmaalayaan kuwaas oo aan ahayn kuwo u danaynaya xusbiga ama musharaxiinta tartanka adag ku jira ee ku hawlan ka maroorsiga taageerada shacbiga ee aan dhaadanayn ama haleelayn inay hoos ugu fiirsadan hawlaha kala qoqobka ah ee ka dhex socda xusbiga dhexdiisa gaar ahaan inta u igman ama loo dirtay la macaamilka saxaafada oo iyagu ka faaiidaysanay mashquulka badan ee ay ku jiraan ragii ama hal-doorkii kulmiye ee danaynayay guusha xusbiga hawlahan caaglaysiga u xuubsiibtayna ka dirir lahaa ayaa koox danooyin gaare lehi ay saxaafadii iyo xusbigii kulmiye ay kala irdhaynayaan iyagoo ujeedadoodu gaaban tahay oo aanay dhaafsiisnayn hunguri iyo waxa loo yaqaano caaglaysiga taasina ay caqabad xun ku noqonayso tabinta wararka xusbiga kadib marka inyar oo saxaafada ka mida oo waliba aqoonta saxafadeed aan ku fiicnayn laga hawlgaliyo xusbigii Lagana tago xeeldheerayaashii saxaafada ee giraagirin ogaa.

Dhanka kale waxaad arkaysaa saxafiyiin badan oo waliba in badan ku soo jiray mihnada saaafada oo iyagu la yaaban facaailka saxaafada lagu kala faquuqayo ee la leeyahay saxaafad intaas ayaa anaga kulmiye ahaan noo shaqaynaysa oo inta kale uma baahnin iyadoo aan sabab loo cuskan karaa jirin isla markaana wariye u soo kicitimay gudashada waajibaadkiisa shaqo aanay jirin sabab looga hor istaagi karo helista warka iyo tabintiisa.

Waxase biyo kama dhibcaan ah oo runtu ay tahay in kharashaadka yaryar ee ku baxa saxaafada ay rabaan in gaara oo xusbigu u dirtay hawlaha saxaafada inay iyagu damac iyo hunguri uu ka galo halkaa taasina ay keenayso in saxafigii iyo xusbigii ay isku seegaan ileen waatan sidii ciidamada cid gaari caaglaysatay waxii yaraa ee wariyuhu ku hawlgalayay wallow aanay suxufiga uba fiicnayn oo ay dhawrsanidiisa dilayso hadana waxa ay noqotay mid ka mida nolol maalmeedkiisa uu la saaxibka yahay waxa yar ee laga siiyo warka uu doonayo tabinayana, taasi waata meesha keentay in saxaafad gaara uu maanta kulmiye ka dhex cugto saxaafadii halka intii badnayd ee aqoonta saxaafaded u ehelkA Ahaydna aanay ahaynkuwo lagu kaxaysan karo qaabka uu maanta kulmiye saxaafadii ula macaamilayo oo ay sabab u yihiin macalimiin waawayn oo sheegta inay yihiinkhuburadii saxaafada oo hogaanka maamulka xusbiga ka dhex dooran,  kuwo kale oo goobo gaara saxaafada ugu mudaakirooda  oo yidhaa anagaa ijiindhaqaajiyaha suxufiyiinta ah.

isku soo wada duubo waxaas oo dhami waa bar-kuma taal oo xusbiga wax ay u soo sidaa ma jirto cida gaarka ah ee xusbiga u adeegaysa waxa dhaanta sida caadiga ah inaanu xusbigu kala faquuqin kalana dhawaysan saxaafada ee uu ula macaamilo sidii hore uu ula dhaqmi jiray ugana wada faafin jiray wararkiisa taasi ayuu xusbigu wax ku noqon karayaa hadii kale suaalo badan baa imanaya oo odhanaya isagoo maanta hogaamintii talada ku socda haduu xiligan wax kala faquuqayo hadhawna siduu yeeli waa suaal macuula  balse waxa nasiib daro ah inaanay hawlaha noocana ogaynba musharaxiintii tartanka doorashada u ordaysay ee kulmiye balse dhawaaq dheer iyo mid kastaba ay mudantay in lagu gaadhsiiyo si casabadan caaglayaasha ahi meesha uga baxaan oo ay sidii saxda ahayd wariyaha iyo warka xusbigu isku helaan.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews