marsanews.com
Xusbiga Kulmiye Waxa Uu Kulansaday Qaan-gaadhnimo Iyo Musharax Leh Astaamihii Hogaamineed
July 30, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xusbul xaakimka talada dalka haya ee kulmiye waxa uu haatan jiraa mudo shan iyo toban sano ah oo uu qaan-gaadh buuxa ku yahay taniyo xiligii aasaaska xusbigana  uu lahaa hogaamiye markasta jaan-gooya hawlaha iyo nidaamka maamul ee loo daadahaynayo habsami u socodka taabagalinta hiigsiga guulaha xisbiga.

Aasaaskii kulmiye oo uu curinteeda iyo hal-abuurkeeda uu lahaa ruug-cadaaga wayne ee siyaasiga ah haatana gadhwadeenka hogaanshaha mayalka u haya dalka ah waa madaxwayne silanyo oo isagu xiligii xusbigu mucaaridka ahaa gudoomiye iyo musharaxba u ahaa xusbiga soona gaadhsiiyay guushi balaadhnayd ee uu talada dalka ku hantay iyadoo ay marwalba dhinacyada ka taagnaayeen ama baalasha uu ku duulo uu ka mid ahaa ama uguba horeeyay gudoomiyaha maanta ahna musharaxa haatan ee kulmiye muuse biixi cabdi oo sida aynu wada ognahay ah shaqsi saaxada siyaasada ka soo dhex muuqday mudo badan ama ba aan idhaahdee ka mid ahaa taniyo intaa ay jirtay somaliland oo rubuc qarni ka badan ba jilayaashii siyaasada ee sida laxaadka leh uga dhex muuqan jiray garoomada dheesha siyaasadu taalo.

Xusbiga kulmiye oo haatan sida aan filayno haya dariiqii guusha uu markale hogaaminta talada dalka kacanta ku sii hayn lahaa tiyoo ay sahlayso inuu guul balaadhan ka gaadho doorashooyinka soo socda sababo ay ka mid yihiin

1. Inuu kulmiye yahay xusbi waayo-aragnimo ku duugan tahay oo si xeel-dheeri leh u garanaya habka iyo nidaamka ololaha doorashada iyo meelaha mudan in diirada la saaro ee daruurta guushu ka dul curan karto

2.Markaad qiimayso tartamayaasha saaxada loolanka ku hirdamaya oo iyaga laftoodu taariikh ahaan iyo waayo-aragnimo labadaa arimood ba uu musharaxa kulmiye dhigiisa la loolamaya kaga adkaan karo.

3.Xusbiga kulmiye xukuumadii ka dhalatay oo mudadii ay xilka haysay umada u muujisay wax qabad indhuhu arkayaan isla markaana ka run sheegtay barnaamujkii siyaasiga ahaa ee ay ololaha ku soo gashay taasina ay tahay mid ka mida qodobada ugu mihiimsan ee umadu kalsoonida ku siinayso balse mudan in kulmiye si cilmiyaysan u iibgayn karo.

Qodobadaa iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin ba waxay u sahlayaan ama u fududaynayaan in marlabaad uu kulmiye noqon karo hogaanka talada dalka mayalka u sii haya, hadaad qiimayn ku samayso ama diirada saarto xitaa musharaxa jagada madaxwayne ee haatan kulmiye u matalaya waxa aad garan kartaa heerkiisa aqooneed, maamul, iyo hogaamineed oo intaasiba ay yihiin kuwa ugu mihiimsan ee qofka aad dooranayso ay tahay inaad ku qiimayso taas oo hadaba musharax muuse biixi markaad eegto aqoontiisa ay tahay mid aad u saraysa dhanka maamulkana aynu ka soo qaadan karno sidii uu dhidibada ugu taagay wasaarada arimaha oo xiligii dhidibada loo taagayay hanaanka dawladnimo ama dawladeed isla markaana ay jireen duruufo adag oo ku gadaana xiligaa suurta galinta maamul togan oo dalka ka hana qaada taasina uu kaw ka ahaa ragii sida kartida aqoonta iyo daacadnimada ugu guulaystay oo sooyaalka taariikheed ee umada ay quluubtooda ku xardhan tahay.

Dhanka kale qodobka hogaamiyenimada waxa iyadana marag ma doona in hogaamiyaha looga baahan yahay laba arimood oo iyagu laf-dhabar u ah hogaamiyaha wanaagsan kuwaas oo kala ah inuu yeesho, Go’aan qaadasho iyo ku dhac uu labadaba ku maarayn karo duruufaha siyaasiga ah ee soo wajaha nooc wal oo ay yihiin ba labadaa qodobna inuu musharax muuse biixi leeyahay waxa ka marag kacaya qofkasta oo garaadkiisu si togan u cabiraya.

Written by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews