Xuska Iyo Xusuusta 32-sano Ka Hor 27may Guda-galkii Burco Ee Mujaahidiinta SNM
May 27, 2020 - Written by editor marsan
Hargeisa:(Marsanews) 32-sanno ka hor xalay oo kale ayay ku beegnayd 27/05/1988-kii ayay xoogagii mujaahidiinta SNM ee qaybtii bari soo galeen magaalada Burco oo ay ku sugnaayeen ciidan cudud iyo awood badan oo ka tirsan xukuumaddii dhiigya cabka ahayd ee Siyaad Barre.
Waxay mujaahitiinta SNM ee soo galay gudaha magaalada Burco naftooda u hureen in ay dhintaan kana hor tagaan ciidan aanay awood ahaan iyo hub ahaan midna aanay isu dhigmin iyagoo ku tallo-galkoodu ahaa in ay iyagu u shahiidaan xorraynta dalkooda iyo dadkooda, kana dhiidhiyay gumaadka iyo xasuuqa lagu hayay dadkooda oo xilligaa la xarayn jiray labada duhurnimo wakhtigaa wixii ka dambeeyana sida xoolaha ay qasab ahayd qofka la qabto.
Maalintan ayaa ka mid ah maalmaha bulshada reer Somaliland ku weyn ee taariikhiga ah kana mid ah maalmihii halganka dib u xoraynta Somaliland ee mujaahidiintii SNM geerida ugu badheedheen kuna guddoonsadeen dhimasho iyo dhulkooda oo xorrooba waxaana maalintan iyo maalmo kale oo la mid ah ka dhashay suugaan taariikhda gashay oo ay curiyeen hal,abuurka reer Somaliland ee maalintaa halganka ku bjiray ama goob jooga u ahaa.
Haddaba, xusuusta gudo-galkii Burco ayaanu wax ka waydiinay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii Millatarigii SNM maalintaana ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminayay dagaalka waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Maalintaa 27 kii May ee 1988 kii maalintii ka horraysay oo 26 kii ah ayay ciidankii SNM ee Burco soo galay ka soo dhaqaaqeen magaalada Samatar Axmed, waxaan wadanay dhawr iyo toban gaadhi oo tikniko ah shidaalka aanu sidanay wuxuu na gaadhsiinayay Burco rasaasta aanu sidanay galin ayaanu ugu badnaan ku dagaalami karaynay, laakiin rasaasta aanu ku tallo-galnay in aanu ku dagaalanaa waxay ahayd ta taalla xeryaha ciidanka ee Burco sidii ayaanay u dhacday.”
Mar uu ka hadlayay siday ciidanka SNM iyo ka ay weerarka ku yihiin ee ahaa cadawgii ka soo horjeeday ee ku sugnaa Burco lana odhan Jiray Gaaska Sadexaad ay u kala awood badnaayeen hub iyo tiroba ayaa yidhi.“Horta labada ciidan isumay dhigmayn tiro ahaan iyo hub ahaanba waxay Mujaahidiinta SNM ee maalintaa Burco galay tiradoodu ahayd kun iyo dhawr boqol waxaanay ka hortageen gaas dhan oo guutooyin badan ka kooban.
Burco waxaa ku sugnaa guutooyin ciidanka lugta ah, guuto taangiyo ah, guuto madaafiicda goobta ah, guuto lidka diyaaradaha ah iyo guutooyin kale oo badan tiro ahaana way nagu soo boqol goor laabmayeen, laakiin waxaa la is dheeraa mooralka iyo tayada waxaa guusha SNM keenayna waa mooralkii iyo waddaniyaddii aanu ku soo dagaal gallay ee laga wada midaysnaa sarkaal iyo dableba waxaanay ka mid ahayn maalmihii ugu farxadda iyo mooralka wacnaa ee SNM.”
Maxamed Kaahin waxaa uu intaa ku daray in uu isagu maalintaa ku sugnaa taliskii dagaalka laakiin ay gudagalka Burco wateen saraakiil kale.”
Maalintaa anigu waxaan joogay taliska laakiin dagaalka waxaa hoggaaminayay Mujaahid Axmed Mirre iyo saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen Xasan Cali Abokor.”