marsanews.com
Xuska Iyo Xusuusta 35-guurada Dagaalkii Burco-duuray Waayihii Ku Duugna
October 17, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Waa maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa maalintuu Geeriyoday Maxamed Xaashi Diiriye, ?Lixle? iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey.

Waa maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay:

Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey.

Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mubaarak Axmed oo loo yaqaannay ?Hadhuudho?.

Sidaas ayaa Rabaso loogu aasay maalintaa 57 shahiid. Waa maalintii Rabaso lagu aasay shuhadadii ugu badnayd ee maalin qudha ah wada shahiidda.

Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani maalintii shuhadada SNM.

Maalmuhu iskuma jiraane, waa 34-Guuro. sanad guurooyinkuna iskuma jiraane, waa Afar iyo Sodon guuradii maalinta shuhadada ee SNM.

Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su?aal ahayd: ?Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa?

Wuxuu ku  jawaabay:

Subaxaa waagu wuxu noogu baryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in weliba cadawguna na soo weeraro.?

Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa.

Siyaabaha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka dhigato ayuu noqdaa. Haweenkii Hargeysa ama burco ka qaxayayba, dayuuradihii nidaamkii Siyaadkii Barre ee ay u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin waa arrin aad u layaab ah waayo waxaa la yidhi ?nin meeli ka cadahay meeli ka madaw? waxaan ula jeedaa nin dhulkiisii la boobaayo meel kale uma muuqato.

Bal hadda aan  ku noqodo mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaa maalintaa la weydiiyay:

Miyaad ka war-qabteen cadawga?

Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya, ayuu ku jawaabay:

Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo aniga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareena galay.

Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.

Halkaa markii uu marayay, waxaa Yuusuf Meydal Cumar laga waraystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaa maalintaa suaasha ugu dhigay:

Goor ma ayaa la idin soo weeraray?

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooni ku dheehan tahay u jawaabay:

Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur.

Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye Urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa?

Bal hadda aan eego Mujaahidiintii goobtaa cadawga ay isku haleeleen sidii ay u hubeysnaayeen.

Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aan gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:

 Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ?small arms?. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka (Baasuuke) iyo BKM-ka.

Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ?Nuur-Madoobe.?

Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegay u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku hubeysnaayeen. Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:

Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa 500 oo askari. Waxay wateen gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10 Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa laba qori oo ?Brown? ah.?

 Waa halkii Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:

 Haki Maxamed Genyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,

Bal Hadaba aan isyara waydiino, Xaalada xilligaa SNM ay ku sugnayd?

Waa qof iyo fakarkii  Bal hadda aan shaaca aan ka qaado dhegta u raariciya ama indhahaba ku daalacda.

Waxaan qaadaa dhigaayey 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta Shuhadadii SNM. Weliba maanta waa 34-guuro oo maalmaha iyo sannadahaba kuma jirto.

Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72 maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya.

Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii.

Shirweynahaa 4aad Shahiid Cabdiqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyanimo ku wareejiyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM.

Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.

Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo uu halkaa ku qabsoomay Kal-fadhigii 3aad ee caadiga ahaa ee Gole Dhexe oo go’aammo badan oo dhaxal-gal ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

1. Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,

2. Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,

3. Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka Ciidammada,

4. La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64 baabuur oo Toyota ah,

Go’aammadaa iyo qaar kale oo badan ayaa halkaa lagu gaadhay.

Beryahaas oo uu SNM Guddoomiye u ahaa Cabdiqaadir Koosaar Cabdi, Ciidammada Xoreynta ee SNM waxa Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM ahaa Maxamed Xaashi Diiriye, (Lixle).

Waa sida uu markii danbe Awaare ku tegayo ee uu ciidankii ugu horreeyay ee ka baxa Taliyaha ugu noqonayo.

Haddii aanan qaldanayn waxa kale oo xusid mudan in sannadkaa 1984kii ahaa sannadkii ay is-gaadhsiinta SNM ugu fiicnayd oo xarumaha iyo saldhigyada intooda badan meel walba radio ?rakaal? ahi yaallay.

Waa hagaag, Bal haddaba maxaa dhacay?

Aan ku noqdo waraygisiigii laga qaaday Yuusuf Meydal Cumar haynooga jawaabo su?aasha ah:

Sidee ayuu maalintaa dagaalku u dhacay?

Aan idiin kala baxo Yuusuf Meydal Cumar oo xusuustiisii idiin mariya, waxaanu yidhi:

Annagu jiiddii hore ee difaaca ayaanu ku jirnay, Difaacayagu wuxu ahaa inta ama jiidda u dhexaysa meelaha la kala yidhaahdo Xabashi iyo Gufeys oo ku taal waddadii Qaaxo.

Sidaa darteed Lixle iyo Ibraahin Kood-buurba waxa ay ku hawlanaayeen arrintaa maareynteeda.

Habeennimadii waxa la diray 15 Mujaahid oo uu Xaammud watay, waxaana loo diray dareenkaa cadawga laga qabay in ay soo xaqiijiyaan.

Waxay ahayd in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo diyaar-garoobay oo ku sugan yahay Qol-buulalle. (Lixle) wuxu kula sii dardaarmay bal in ay soo hubiyaan in cadawgii ku soo dhammaaday Qol-buulalle iyo in uu weli isku soo urursanayo.

Lixle markaa uu sahanka dirayay wuxu filayay in aan cadawgu ku soo wada dhammaan halkaa, Sidaa darteed ayuu miino ugu sii dhiibay si ay ugu soo aasaan meelaha gurmadkoodu soo marayo.

Laakiin Xaamud iyo colkiisii sahanku waxay war sugan ku heleen in cadawgii soo weerari lahaa dhammaan ku soo sugmay oo joogo Qol-buulalle, Markaa miinadiina sidaas ayay kula soo noqdeen.

Waa la soo hubiyey in cadawgii oo odihiisii jiidanayaa goobtaa Qol-buulalle isugu habar-wacday, Ka dib maxaa dhacay markii sahankii SNM dib ugu noqday ciidammadii soo diray? Aan  ku noqdo waraysigii Yuusuf Meydal Cumar, waxaanu intii hore ku ladhay:

Waxay nagu soo noqdeen 11kii saacadood ee subaxnimo, Waa 17kii Oktoobar 1984kii. Maalintu Arbaca ayay ahayd. Ibraahin Kood-buur iyo Lixle Ururka 1aad ayay ku maqnaayeen.

Xogtii sahan in ay taliyayaashu qaataan la is-lama haleelin, Saacaddii weerarku nagu soo beegnaa markii ay ahayd ayuu Lixle soo gaadhay ciidankii.

Gaadhigii ay la socdeen oo markaa meesha la yidhaahdo Celiya saad nooga soo qaaday iyaga oo Ururkii 1aad badhna soo qaaday badhna soo lugaynayaan, ayaa markii gaadhigii Lixle dhigay ee Ibraahin Kood-buur la noqday ay xabbaddii ugu habsatay ee ay soo rideen oo Jiib ahayd qabsatay gaadhigii Ibraahin Kood-buur la noqday siigadiisii. Sahankayagii oo is-na xabbaddii ku riday ayaa xigtay.?

Si aynu dhacdadaa uga boganno, bal Mujaahidkeenni Yuusuf Meydal Cumar waxoogaa tafaasiil ah ha inaga siiyo ciidankii SNM iyo sidii uu u habaysnaa, waxaanu ku yidhi muddaakaradiisii dheerayd:

Ciidankayaga tiradiisa guud waxay ahayd 350 Mujaahid.

Waa ciidankii Guutadii Sayid Cali dhammaanteed, jiidda hore ee difaaca waxa ku sugnaa ilaa 200 oo Mujaahid.

Difaaca waxaanu kaga jirnay laynka woqooyi ee waddadii Qaaxo oo kale ah. Ururkii 2aad iyo qayb ka timid Ururkii 1aad difaaca hore ayay ahaayeen.

Ururkii 3aad oo Lixle Taliye-urur u ahaa laba ayuu u qaybiyay, Badh u noqda xoojin Ururka 2aad oo bidixda ama galbeedba xigay, badhka kalena ciidankii bariga ka dagaallamayay xoojin u noqdo oo ka ilaaliyo wixii dhabar-jebin ku imanaya.

Lixle oo isla markaana Taliye-guuto noo ahaa wuxu raacay Ururkiisii 3aad qaybtii xoojinta galbeedka looga dhigay.

Siduu ku bilaabmay weerarku?

Mujahid Yuusuf Maydal waxuu yidhi:

Weerarka cadawgu galbeed ayuu naga qabsaday oo tuulada Kun-gaws ayay ka soo dhaqaajiyeen, Qaybtii halkaa ku sugnayd oo Lixle la joogay ayay la soo kaceen oo difaacii wajahadda hore is-ma ay qaabbilin.

Iyada oo ta Alle qornayd waa sababta ay Lixle iyo qaar kaleba maalintaa u dhimanayaan.

1.17 daqiiqadood oo gelinkii danbe ah markii aanu halkaa isku haleellay iyagu waxa ay isu qaybiyeen saddex raac:

1aad, 2aad iyo 3aad. Wuxu qorshahoodu ahaa oo ay ku soo talo-galeen in ciidankan Sayid Cali oo ahaa cududdii ugu adkayd ee SNM aanu mid ka bixin oo ay halkaa ku burburiyaan.

Ballan-qaadka ay qabeen wuxu ahaa haddii ay soo guulaystaan ama ciidammada Mujaahidiinta ay gacanta ku soo dhigaan in askarigiiba ama sarkaalkiiba laba darajo la dallacsiinayo.

Dagaalkii ayaa qadhaadhaaday holac yaa laga waraabiyey faqashtii Raacii 1aad ee cadawga ayaanu foodda is-darray.

Markiiba waanu la kacnay oo jebinnay. Raacii 2aad ayaanu casarkii is-gallay is-na waqti badan naguma qaadan in aanu cagta marinno, kabahana ka subkanno.

Raacii 3aad ee cadawga gabbalkii ayaa iskugu kaaya dumay. Ilaa cawayskii markii ay saacaddu ku sugnayd ilaa 8dii habeennimo waanu dagaallamaynay.

Khasaarihii na soo kala gaadhay wuxu si fiican oo tifaf-tiran ugu xardhanaa warbixintii Ibraahin Kood-buur ka qoray dagaalkaa.

 Yusuf oo ka jawaabaya su,aal ahayd sided ayaa dagaalka u arkaysay yuusuf wuxuu yidhi ?Xaalad dagaal marka aad ka warramayso qofba waa inta uu ka arkayaa ama halka uu kaga sugan yahay.

Qof dhacdooyinka goob-joog u wada noqon karaa ma jiro. Maalintaa waxa xusuus gaar ah ii lahaa dhaawicii halista ahaa ee iga soo gaadhay dagaalkaa.?

 Diiriye Cabdillaahi oo waraysigii ka mid ah wuxuu yidhi

Waxaan maalintaa si gaar ah u sii xusuustaa dhaawac halis ah oo iga soo gaadhay saddex xabbadood oo igu dhacay ugu danbayntiina lugta midig I naafeeyay.

Rag badan oo Mujaahidiin ahaa oo shahiiday ama dhaawacmayna waan sii xusuustaa, Dagaalku cawaysinkii ayuu dhammaaday.

Gabbalkii dumay iyo habeenkii soo galay ayaa annaga iyo cadawgii na kala raray oo noo kala guray. Lixdii galabnimo markii ay saacaddu ahayd aniga oo dhaawac ah waxaan ku jiray meel dhexdooda ah.

Markaa meydkoodii ilaa teknikadii ka gubatay waa ay guranayeen, Wixii ay jiidan karayeen iyo wixii ay qaadan karayeenba waa ay qaateen.

Hadda Mujaahid Diiriye-gaab ayaa gaawaha inoo hayay oo aynu gaaxdii xusuustiisa maalaynay, Intaa hore wuxu ku kabay:

Markii gabbalkii dhacay dib-u-gurasho xeel dagaal ayaanu Burco-duurrey ku tagnay, Dhaawicii ayaanu halkaa ku urursannay.

Iyaga oo ciidan xul ah oo hubeysan isu haystay haddana wixii goobta ka gaadhay waa ay u qaadan waayeen. Waxay ahayd mid ka mida maalmihii ugu mudnaa ee SNM ka guulaysato ciidanka cadawga.

Waxay ahayd maalin cadawga si aanu ka soo kaban karin oo ceeb iyo weji-gabaxba ku ahayd loo jebiyay.

Waa tahay Haddii ay intaasi na kala gaadhay labadaa rug-caddaa, bal hadda immikana aan dheehanno Mujaahid Quulle oo goorahanba taariikhda hoobaanta ah soo maaxinaayey (waa goortii waraysiga laga qaadaye), waxaanu yidhi:

 Marka hore shuhadadii aan Faataxada u marno, Intii la dhalatay iyo intii ay ka dhinteenna Ilaahay ha ka cawilo. Dhammaanteen Ilaahay ha inaga cawilo.

Waa maalin farxadeed, Waana maalin murugo, Waa maalin farxadeed oo waa maalintii cadawga laga guulaystay. Waana maalin murugo oo waa maalintii ay SNM ugu khasaaraha badnayd raggii ugu qiimaha badnaana ay ummadda ka baxeen.

Haddii aanu khasaare ku soo gaadhin guul ma hantidid, Marka hawsha lagu jiro ninba dhinac ayuu wax ka arkaa ama aragtidiisa ayuu ku hadlaaye, nimankii maalintaa foodda aanu is-darray ballan-qaad dallacaadeed ayay qabeen oo ku dagaallamayeen.

Darajo ay helaan oo ay nidaam daallin ah ka kasbadaan ayay u dagaallamayeen, Annaguna waxaanu ahayn niman Janno doon ah ama dal iyo dad doon ah.

Foodda markii aanu is-darnay iyaga oo naga xoog badnaa oo naga tiro-badnaa waxaanu kaga guulaysannay hiilka Eebbe, xaq-u-dirirkii aanu ahayn iyo niyaddayadii birta ahayd.

Gurmad waxa noogu sokeeyay Laan-qayrta oo galbeed naga xigtay iyo Gubad-daalaco oo bariga naga xigtay. Labaduba waa ay naga fogaayeen.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: (Geesi il buu diriraa) Dantu waxay nagu qasabtay in Mujaahid kastaaba wixi rasaas qoriga ugu jiray uu madhxiyo, beekhaamiyo oo uu si tashiilan u adeegsado si aanu gacanta cadawga ugu dhicin.

Cadawga  meesha marayay waxba iskagama kaaya tirin, waxaana taa kuu caddaynaysa halka uu nagu soo doontay iyaga oo 26km gudaha u soo galay dalka Itoobiya.

Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay burburiyaan oo ay cagta mariyaan ciidankaa Sayid Cali ee xuddunta u ahaa cududdii hubeysneyd ee SNM.

Bal aan ugudbo warbixinta Ibraahin Kood-buur inta aanan bilaabin, Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e. aan ka ambo-baxo weedhaha ugu danbeeya ee warbixintani ku dhammaato, waxaanu qoray Ibraahin Kood-buur, 25/10/1984kii:

 Taariikhdu markii ay ahayd 19/10/1984kii ciidammadii SNM ee ka kala yimid Dugsigii tababarka  ee Awaare, Laan-qayrta iyo Dhooba-guduud waxay weerareen cadawga oo joogay Qol-buulalle goor habeennimo ah.

Khasaarihii cadawga gaadhay oo aad u weynaa weli lama soo tiro-koobin, ciidammadeennana waxa ka shahiiday Mujaahid Maxamuud Siciid Daa?uud.?

 Sow tii uu Hadraawi lahaa:

Hadday sii fogaatana,

Fidmo looma sacab-tumo,

Ninka cararay waa fule,?

 Aan ku noqonno shahiid Ibraahin Kood-buur iyo warbixintiisii Burco-duurrey ee 25/10/1984kii, waxaanaynu u soo gaabsanaynaa sidan hoos ku qoran:

SOMALI NATIONAL MOVEMENT

Flimsy Fayl Dire Dawa

Oct. 25/1984

Guddoomiyaha SNM :Axmed siilaanyo

Dire Dawa

Uj: warbixin dagaal

17kii Oct. 1984 saacaddu markay ahayd 2.45 galabnimo, Guutada Sayid Cali oo deggenayd Kaam xabashi, waxa soo weeraray cadaw watay 24 gaadhi oo kala ah:

 10 gawaadhida gaashaaman ah, 4 jiib, 2 Zuu, 2 Shilke, 2 Toyota oo ay saarnaayeen qoryaha ?Brown? iyo ?Gerinove? iyo 4 baabuur oo waaweyn oo ?Ife? ahaa.

 Ciidanka cadawguna wuxu ka koobnaa 500 oo askari oo aad u hubeysnaa.

 Ciidankeennu wuu ka digniin helay cadawga oo wuxu ugu diyaar-garoobay meel keymo xidhan leh, Ciidankeennu wuxu gaashaanka u qabtay oo uu dib u celiyay Raacii 1aad iyo Raacii 2aad ee cadawga oo uu ka dhigay wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax baxsaday, gaadiid badanna waa laga gubay.

4.30kii galabnimo waxa ciidankeenna soo weeraray Raacii 3aad ee cadawga, waxaana la dagaallamayay ilaa 9.00 saacadood ee fiidnimo, markaas oo la is-arki waayay oo la kala hulleelay.

Khasaarihii cadawgu wuxu noqday:

108 askari oo geeriyooday iyo in badan oo dhaawacantay,

9 gaadhi oo gaashaanna oo la gubay,

2 gaadhi oo gaashaannaa oo lagala hadhay, ama furtayba,

Hub iyo rasaas badan oo kale oo laga furtay,

1 jiib, 1 Shilke iyo 1 Toyota oo qori saarnaa oo la gubay,

1.Magacyada Mujaahidiintii shahiidday oo warbixintaa ku qornaa,

2.Khasaarihii Ciidankeenna gaadhay:

3. Hubka la waayay.

2.  30 Mujaahid oo dhaawacmay oo badan kodu fududaayeen,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews