marsanews.com
Yaa Xaq Uleh Inuu Daabaco Lacagta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ma Baanka Dhexe Mise Shirkadda Telesom Iyo Somtel?
April 16, 2018 - Written by editor marsan

Yaa Xaq Uleh Inuu Daabaco Lacagta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ma Baanka Dhexe Mise Shirkadda Telesom?

Hargaisa:(Marsanews) Dawladu waxay soo saartay amar sheegaayey in adeega lacagta electronikadda ah ee shirkaddaha Telesom iyo Somtel ee ZAAD iyo E-dahab inay systemkooda ka saaraan $100 wixii ka yar mudo dhan 45 maalmood gudahood.

Shirkaddahaasina way aqbaleen waxaanay ku ee kayd taariikhdu markay ahayd 13 March, 2018.

Hadaba shirkadda Telesom ayaa soo saartay adeeg ushaqaynaayey hab sarifle ah oo ay systemkooda laga dhex isticmaalaayey. *886*Lacagta#  kaasoo lagu badalanaayey lacagta doolarka ah shilling Somaliland.

Arintaasi waxaa si xoog badan uuga hor yimid sariflayaasha iyo dawladda, waxaabay gaadhay in lacagtii digitka ahayd ee Telesom ganacsatadii joojiyaan. Mardanbe ayaa xal laga gaadhay markii Telesom candhuufteeda dib uliqday oo suuqii ka hor yimid wuxuuna adeegaasi soo afmeermay taariikhdu markay ahayd 26 March, 2018, Tab badan Telesom dhankale ayey uuga  wareegtay oo ilaa haatan shaqeeya.

Si kastaba ha ahaatee aan toos u abaaro dulucda mawduucayga.

Dadka Somaliland waxaa lagu qiyaasaa ilaa 4,000,000 (Afar Milyan oo ruux), hadaba hadii adeega ZAAD ee shirkadda Telesom ay isticmaalaan qiyaas ahaan 2,000,000 (Laba Milyan oo ruux).

Hadaba Iintii adeega *886# socday hadii ay badasheen Labadaa Milyan ee qof, qofkiiba hal dolar, wadarta guud ee lacagta la badashay waxay noqonaysaa (2,000,000 oo qof kiiba badashay min $1 = $2,000,000) Laba Milyan oo dolarka oo lacagta maraykanka ah ayaa loo badashay shiilingka Somaliland, waa marka aan soo qaadano rate-ka ugu yar.

Hadaba hadii lacagtaas loo badalo shillingka Somaliland waxay noqonaysaa $2,000,000 x 10,250 = 20,500,000,000 (Labaatan Bilyan iyo Shamboqol oo Milyan oo Shilllingka shilinka Somaliland ah).

Hadii mudaddaa kooban lacagtaas xadigaas leeg ee la badashay ay suuqa soo gashay, bal qiyaas inta hore hawadda uugu sii jirtay?

FG: hadii rate-ka la badashay celcelis ahaan uu ku soo uruuro $5 ogow lacagtu way ka badanaysaa inta kor ku xusan oo waxay gaadhaysaa 2,000,000 ruux oo midkiiba  bedeshay  lacag dhan $5 = $10,000,000  (Toban Milyan oo Dollar) una dhiganta marka Somaliland loo badalo ( $10,000,000 x 10,250) = 102,500,000,000 (Boqol iyo laba bilyan iyo shamboqol oo milyan oo Somaliland shilling ah)hadii boqolay loo badalana u dhiganta  %5.95 marka loo eego miisaaniyadda dalka oo dhamayd sanadkan $168.000.000 Milyan. Taasoo inoo kicin karaysay warshadda sibidhka ama ugu yaraan laba biyo xidheen oo waawayn aan kusamaysan lahayn si aan biyaha gu’ga uuga faa’iidaysan lahayn ee sanad walba ina dhaafa.

Lacagta intaa leeg markay dawladu soo daabacayso waxaa kaga baxa, Qarashka daabacaada oo ay dheertahay qarashka xamaalida iyo amniga iyo daryeelka lacagtaas.

Hadaba Lacagtaas laga dhex badashay shirkadda Telesom iyadoo la isticmaalaayo adeegii la hakiyey ee *886# mudadii  Istuuca ahayd eeu dhaxaysay 13 March, 2018 ilaa 26 March, 2018. Sow lacag cusub oo kusoo korodhay maaha shillingka Somaliland, hadiise aysan ahayn lacag cusub oo ay systemkooda hore uugu jirtay, hore baanku lacagtaas ma uga shubay oo ma iibsatay shirkadu, mase ku kaan-tarooshaa dhaq-dhaqaadeeda?

Hadii ay haa tahay jawaabtu oo lacagtaas laga dhigay, waa  baanka dhexe oo shaqadiisii gutay, hadii kale se waa mid sharciga ka hor imanaysa iyo baanka dhexe oo hurda dheer iska galay.

W/Q: Eng. Mohamed A. Abdi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews