marsanews.com
Abiy Axmed’ Trump Dacwadda Uu ka Qabo Abaalmarinta Ha u Gudbiyo Gudida Nobel
January 14, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u jawaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii uu dhawaan sheegay in Abiy Axmed laga siiyay biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Abiy wuxuu sheegay in uusan wax war ah ka heynin qaababka ay guddiga Nobel kusoo xusheen shakhsiyaadka ay abaal marinta guddoonsiinayaan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in dacwadda uu Trump ka qabo abaalmarinta uu u gudbin karo guddiga Nobel ee uu fadhigiisu yahay caasimadda Norway ee Oslo.Quote Message: Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin muhiim ka ah gobolkeena” from Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaa waa nabadda, waana arrin muhiim ka ah gobolkeena, Abiy Axmed.

Abiy ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu warfidiyeenka kula hadlayay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria.

Bishii Oktoobar ee sannadkii la soo dhaafay, Abiy waxaa uu ku guuleystay abaal marinta nabadda ee Nobel kadib markii uu heshiis la gaadhay dowladda Eritrea taas oo lagu soo afjaray dagaalladii ka taagnaa xudduudda labada dal.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dadweyne fagaare kula hadlayay wuxuu sheegay inuu isagu heli lahaa biladda Nobel ee la guddoonsiiyay Abiy.

Inkasta uuna Trump magac dhabin qofkii ku guuleystay biladda Nobel ama dalka balse waxaa iska cad inuu hadalka ku waday Abiy, waana hogaamiyaha kaliya ee ku guuleystay abaal marinta Nobel tan iyo sannadkii 2016 xilligaas oo Trump la doortay.

VIDEO: After US President Donald Trump said that he believes he deserves the 2019 Nobel Peace Prize, Abiy Ahmed, the winner and Ethiopian Prime Minister replied: “If Donald Trump wants to complain, he should go to Oslo, not Ethiopia”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews