marsanews.com
Boqor Buur-madaw’ Oo Sheegay In Xirsi Ka Lib-gaday Shakhsiyaad Abaal Ku Leh Noloshiisa Oo Soo Hadal-qaadkoodu Sharaf u Yeelli Lahaa Buugiisa
October 29, 2018 - Written by editor marsan

Waxan Filayay Inuu Xirsi Xuso Labadii Oday Ee Midi miyiga ka keennay midina madaxtoyada keenay, Guusha qudha ee uu leeyahay Waxay Ahyd Labadaas Oday

Hargaisa:(Marsanews) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaanna beellaha bariga gobolka Togdheer ayaa sharaxay aragtida uu ka qabo buuga hadal haynta badan dhaliyey, ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan hoggaamiyaha xisbiga WADDANi, kaasi  oo habeen saddexaadkii lagu soo bandhigay magaallada Hargeysa.

Boqor Buurmadaw ayaa isagu farta ku goday nuxurka Buuggan oo uu ku tilmaamay in ay ka maqan yihiin qoddobo uu  filayay in Xirsi ku soo qaato Buuggiisa kuwaas oo qurxin lahaa farriinta uu xambaarsan yahay buuggu.

Boqorku waxaa uu sheegay inay meesha ka maqan tahay laba oday oo uu filayay boqor ahaan in Xirsi u mahadnaqo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay.

Horta anigu buugga Xirsi maan akhriyin, Mana jecli inaan ka faalloodo maadaama aanan akhriyin weli, Haddiise aan daawaday xafladii lagu soo bandhigay buuga waxaan anigu Saluugay khudbadii uu Xirsi Madasha ka jeediyey, marka laga eego dhinaca mahadnaqa.

Waayo waxaan filayay in uu Xuso  oo uu hadalkiisa ku daro ciddii tacabkiisa lahayd oo ahaa labada Oday Ee Maxamed Siciid Ducaalle (Dahabshiil) oo isagu sabab u ahaa in uu (Xirsi ahaan) Baro Axmed Siilaanyo.  Taasi ayaa mudnayd buugana sharaf u ahayd in uu muhiimada saaro, halka uu kaga dheeraaday Xasan Cabdi Madar iyo Xuseen Dayr.

Taasina Allaylahe Inaadeer golihii bandhiga way seegtay”. Sidaasi ayuu Buurmadow ku yidhi qoraal kooban oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay degelka xidhiidhka Bulshada ee Facebook, waxana uu intaas ku ladhay “ Guusha qudha ee uu leeyahay  Xirsi waa in uu xuso Maxamed Siciid iyo Axmed Siilaanyo, waana labadii buugga la macnaha ahaa ee Midina uu miyiga ka keennay midina uu madaxtoyada keenay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews