marsanews.com
Ciidamo Culus Oo La Wareegay Xabsiga Ugu Weyn Puntland & Khasaaraha Dagaal Ka Dhacay Magaalada
September 28, 2018 - Written by editor marsan

magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa la sheegaya in dagaal xoogani uu ku dhex maray qaar ka mid ah ciidamada Puntland ee ku sugan gudaha magaaladaasi Boosaaso kadib markii ciidamo gadoodsan ay la wareegeen xabsiga ugu weyn ee magaalada Boosaaso.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka cabanaya mushahar la’aan baahsan iyo xuquuqdoodii oo ay ka waayeen maamulka Gaas sida ay sheegeen saraakiil u hadlay ciidamadaasi.

Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in ciidamadani ay ku hanjabeen in ay ka sii dayn doonaan maxaabiista kala duwan ee ku xidhan xabsigaasi, waxaana laamaha amaanka iyo saraakiisha ciidamada Puntland ay iyaguna halkaasi geeyeen ciidamo kale kuwaas oo iska hor imaad ku dhex maray xabsiga magaalada Boosaaso, islamarkaana sida la sheegayo isku dhacaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ba, wallow aan tirada rasmiga ah ee khasaaraha la shaacin.

Xaalada xabsiga magaalada Boosaaso ayaa hada qasan, waxaase sida ay wararku sheegayaan ku wareegsan dhamaanba qaybaha kala duwan ee xabsiga ciidamo ku gaashaaman gaadiidka dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo amar lagu siiyey in ay difaacyo ka xidhaan goobtaasi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews