marsanews.com
Diidmada Ciro Iyo Faysal Ee Dalabkii Madaxwayne Biixi Miyaanay ka Marag kacayn In Mucaaridka Dhankiisa Waxba Ka Socon La’yihiin
December 14, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Dhawaan markii uu madaxwaynaha jamuuriyada somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay hogaamiyayaasha mucaaridka ah inay wada yeeshan kulan ay kaga arinsanayaan doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya mucaaridka iyo xukuumada, ayaa fagaare ay kaga dhawaaqeen gudoomiyayaasha mucaaridku inay joojiyeen wada shaqayntii xukuumada, taas oo ka turjumaysay inay diidmo cad tahay oo ku socota dalabka madaxwayne biixi ee wada-hadalada.

Mar kale ayaa madaxwayne biixi uu diray labada gudoomiye qoraal uu kaga dalbanayay inay maanta oo sabti ah kulmaan si ay uga wada hadlaan waxii khilaaf ah ee jira.

Nasiib daro markii labaad oo ahayd maanta ayaay hadana ku gacan saydheen inay la kulmeen madaxwaynaha, labadaasi jeer ee diidmada ahiba waxa ay marag cad u noqonaysaa sida ay uga soo horjeedaan, in wax hagaagan oo uu dalku ka baxo khilaafadka siyaasiga ah ee labada xisbi mucaarid hogaankoodu noqdeen xuduntii hagar-daamaynta doorashooyinka.

Gudoomiyayaasha mucaaridka ayaa sida ay ku andacoonayaan ku niyadsan beesha caalamka oo ay dhawaan ashkato ka dhan ah xukuumada u gudbiyeen, taasi oo badiba bulshada iyo rayul-caamkuba aragtiyo isku mida ka bixiyeen oo ay ku dhaliilayaan mucaaridka iyagoo siyaasiyiin iyo bulshada noocyadeeda kala duwani ba daliishanayay in aanay somaliland u baahnayn faro-galin shisheeye ee sidii caadada ahayd, ay dhex deeda ku dhamaystaan islamarkaana aan loo baahnayn, ergo shisheeye, oo soo faragalisa, khilaafyada siyaasiga ah ee somaliland dhexdeeda.

Gabagabadii waxa uu madaxwayne biixi bulshada reer somaliland u cadeeyay in khilaafka iyo muranka doorashooyinka hor taagani ay sabab u yihiin gudoomiyayaasha mucaaridka gaar ahaan gudoomiye ciro, iyagoo taasina ay tahay mid uu eedeeda iska baraxay madaxwayne biixi maadaamo uu tiraba laba goor u fidiyay gogol ay ku soo afjaraan khilaafka siyaasadeed iyo kala qoqobka bulshada, balse ay diideen Faysal iyo Ciro.

Guud ahaan bulshada reer somaliland ayaa maanta si cad u wada gar-waaqsaday in mushkilada jirtaa tahay mid ku eeg dhinac mucaaridka oo doorasho diid ah, dhagihii bulshada ee ay saacad kasta maqashiinayeen madaxwaynaha ayaan tanaasulayna ay soo afjarantay oo la wada arkay inaan mucaarid daacad ka ah xalinta khilaafka doorashooyinka hortaagan aanay jirin ee ay iyagu yihiin caqabada rasmiga ah ee doorashooyinku ka qabsoomi layihiin.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews