marsanews.com
Hantidhawrka Oo Dalbaday In Xisaanada Laga Qaado Maayirka Boorame Iyo Xildhibaano Kale + Masuul Ay Xabsiga u Taxaabeen
September 19, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Hanti dhawrka guud ee qaranka oo mudooyinkan danbe baadhis ka waday dawlada hoose ee magaalo madaxda gobolka awdal ee boorame ayaa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay, xeer ilaalinta ka dalbaday in xisaanada laga qaado maayirka iyo xildhibaano kale oo golaha deegaanka boorame ah kadib markii ay danbiyo musuqmaasuq ku cadaadeen.

Dhanka kale waxa la sheegey in maanta xabsiga loo taxaabey Agaasimihii madaxa mashaariicda horumarinta ee J.P.L.ga dawlada hoose Boorama Axmed Nuur.

Waxa kale oo wararku intaa ku darayaan in mid ka mida xildhibaanada musuqmaasuqu ku cadaaday uu baxsaday islamarkaana ciidamadu baadigoob ugu jiraan.

Hanti dhawrka guud ee qaranka oo isagu baryahan danbe baadhis iyo dabagal ku waday dawlada hoose ee magaalo madaxda gobolka awdal ee boorame ayaa bulshada ku dhaqan gobolkaasi ay si aada u soo dhaweeyeen talaabada ay ka qaadeen masuuliyiintan dawlada hoose oo iyaga baryahaaba ay ka qaylinayeen bulshada reer boo0rama.

Dhan kale masuuliyiinta dawlada hoose Mar aanu arrintaasi Kala xidhiidhney ayaa noo suurto gali weydey si aan wax uga weydiino talaabooyinka iyo dhaqaaqa iyo baadhista laga wado dawlada hoose Boorama.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews