marsanews.com
Hogaamiye Xirsi: Siyaasi Mise Jini-boqor Xasarad u Joog Ah Oon Meel-nabdoon Ku Ladi Karin
August 24, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xirsi oo aqoonta isaga iyo bulshada reer somaliland bilaabantay markii hogaaminta talada dalka uu madaxwayne silanyo ku guulaystay ahna mudo lixe sano iyo badh  laga joogo isla markaana maqalka magaciisu dhagah shacbiga si fiican u wada gaadhay markii madaxwayne silanyo ka dhigay (cheif of cabinete) mudo dabadeedna noqday wasiirka madaxtooyada balse intuu aanu noqon wasiirka madaxtooyade ee uu ahaa cheife cabinate ka habdhaqankii ama talaabadii ugu oraysay ee uu qaaday ahayd in uu midi ku weeraray qaar ka mida shaqaalihii uu ugu yimid madaxtooyada oo iyagu ahaa shaqaale si rasmiya uga shaqaynayay xiligii xukumadii riyaale oo iyagoon waxba galabsan uu ku yidhi ka baxa meesha uguna jawaab celiyay shaqaale ayaanu nahay intaa kadibna uu midi ula soo baxay oo uu kaga soo saaray madaxtooyada mididaa.

xirsi daabcad

intaa kadib markii uu noqday wasiirka madaxtooyada waxa uu fagaare ka weeraray golaha wakiilada ee uu ciro horjoogaha ka yahay isagoo hadaladii uu ku tiraabay ama sida qaawan ugu weeraray ahayeen Sankan caano idinkaga keeni.

ilaa mudaduu ka tirsanaa nidaamka xukuumada silanyo waxa ka mida rabshadihii uu gaystay qaar nafo lagu waayay oo keenay dhimasho xiligii doorashadii golayaasha deegaanka oo uu wasiirka daakhilga duur ahaa isla markaana dhalin yaro mudaharaadaysay oo ka mid ahayd ururkii xaqsoor uu xirsi duur amar ku siiyay in la laayo ciyaalka isla markaana duur oo u dhago-nuglaa ama la odhan karo waxa ay wadaagan arimo u hooseya oo ka dhan ah marwalba abniga dalka isla markaana duur faray isagoo amarka xirsi haysta inuu ciisamada ku qasbo isticmaalka rasaasta nool oo halkaa ilaa shan ubad ahi ku nafwaayeen waa dhacdooyinka is barkan ee la hal-maala xirsi iyo ayaamihii uu hayay midida daabkeeda.

waxa iyana xusid mudan xiligii xukuumadii daahir riyaale oo xarbulqalamka waxii loogu yeedhi jiray uu xirsi gaadhi kurka jaray saaartayna qoru baroona isla markaana garaadkiisaa gaaban ee indhaw araga ahi gaysiiyey inuu is yidhaa dawlad dhan ku weerar gaadhi qori barooni saaran yahay balse si sahlan isagii iyo gaadhigiiba loo soo qabtay oo wasiirkii xiligaa haystay arimaha gudaha oo ahaa cabdilaahi ciro uu sheegay inuu xirsi yahay ashabaab taasina ay ilaa yoomana haada tuhuno badan leedahay marka aad eegto xidhiidhada hoose ee loogu sibir saarayo inuu la wadaago ururo xag-jira balse taa marka laga yimaado habdhaqankiisa kale yahay ba mid aanu ladi karin hadii aanu khilaaf ama rabshad ku hawlanayn.

shalay bay ahayd markii isaga iyo xilibaan ka mida golaha deegaanka gabilay isku fara saaari gaadheen hawlo xusbiga wadani ah oo gabilay xirsi ka waday iyadoo xilibaanka iyo xirsi labaduba isku xusbi yihiin balse xilibaanku ku garnaqsanayay in uu xirsi u gacan dhaafay hawlaha xusbiga ee gobolka gibilay oo xilibaanku yahay isagu mid ka mida wakiilada bulshada reer gabilay ee xusbiga wadani maadaamo xusbiyadu cododka ay ku noqdeen xusbiyo qaran ba ay yihiin kuwa xilibaanadii deegaanka laga soo doortay shacbigu ugu odeeyeen oo cododkooga ay wakiil kaga yihiin shacbiga taasina ay keentay inuu xilibaan iid xirsi ku yidhaa miyaanay ahayn inaad nala soo socodsiiso arimahan aad gabilay ka wado maadamo aanu nahay wakiiladii xisbiga ee gabilay xirsi oo isagu ku caana rabshaduhuna yidhi xor baan ahay halkaana uu ka bilaabmay hadal kulul oo lays waydaarsaday gaadhayna heer gacan ka hadal ku dhawaaday aakhirkiina xirsi wajigabax kala soo huleelay oo uu ku kasbaday eriga uu magaalada ka soo eryay xilibaanku dariiqa qaldan ee uu marwalba siyaasada u maro xirsi taas oo ah mid xasarad iyo buuq u ehela natiijadeeduna noqoto faashil iyo tilmaamo taban oo astaan ku noqda siyaasada uu fahankeeda ka aradan yahay una haysto inay ugu badinayso hadimooyinka uu saacad walba dhex mushaaxayo taas oo khataro badan dhaxal-siin karta gaadhsiina karta heer uu umada kaga dhex baxo.

Written by cheif editor c/risaaq maxamed axmed

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews