marsanews.com
Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Hotel SYL Oo La Sheegay Inay Ku Nafwaayeen Odayaal Dhaqameed Casho Sharaf Loogu Samaynayay Iyo Askar Ka Tirsan Dawlada + Dagaalkii Oo Wali Socda
December 10, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in weli rasaas laga maqlayo Hotel SYL oo ay Caawa weerareen dabley ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Tirada dableyda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 5 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.

Sida uu qaar ka mida warbaahinta u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan saraakiisha ku howlan sidii loo soo badbaadin lahaa dadka meesha ku go’doonsan, ayaa yidhi waxaa la toogtay Seddex ka tirsan dableyda Al-Shabaab iyadoo ay weli hotelka dhexdiisa ka dagaalamayaan labadii kale.

Labada dabley ee ka tirsan Al-Shaab ee weli ka dagaalamaya Hotelka ayaa la sheegay inay galeen meel shub ah oo ay ka soo ridayaan rasaas iyadoo ay ciidamada Dowladdu weli ku howlan yihiin sidii ay u soo afjari lahaayeen, weerarkaa is miidaaminta ah.

Xilliga weerarka lagu soo qaaday Hotelka SYL ayaa la sheegay in casho sharaf loogu sameenayey qaar ka tirsan odayaal dhaqameedyadii lagu marti qaaday kulankii Maanta lagu caleema saaray Guddoonka Beelaha Habargidir.

3 ka mida oday-dhaqameedyadii halkaas casho sharafta loogu sameeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha Hotelka halka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dhintay rasaasta ka socoto Hotelka.

Sidoo kale dad badan oo Shacab ah oo aan weli tiradooda la helin ayaa ku dhintay weerarkaas, iyadoo dhinaca kalana ay ku dhaawacmeyn illaa 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka Hotelka ku dhintay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka iyo nin Sacuudiga uga imaaday dacwad dhul.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa weli isa soo taraya, waxaana marba marka ka dambeeyo la soo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac cusub maadaama weli ay socoto rasaasta.

Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lug taas oo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews