marsanews.com
Khilaafkii Wasiir C/lahi Abokor Iyo Maareeye Cismaan Oo Wasiirku Dacaayado Iyo Warar Aan Jirin Warbaahinta Qaar Ka Mida u Isticmaalayo + Eedaha Qoyska Madaxwaynaha Ee Ay Dusha Ka Saareen
October 19, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Sida ilo xogogaala ay sheegayaan waxa wasiirka wasaarada horumarinta jidadka Md, Cabdilaahi Abokor uu warbaahinta qaybteeda online ka ama wabste yada ah uga hawlgalay, sidii uu dacaayado ka dhan ah maareeye cismaan sheekh oo ah maareeyaha haayada wadooyinka oo dhawaan khilaaf ba’ani dhexmaray uu ugu adeegsanayaa in markii uu awoodihiisi shaqo ee sharcigu u banaynayay uu ka hor istaagay inuu hadana gabood falo, ka dhan ah sumacadiisa iyo masuuliyada uu qaranka u hayaba meel ka dhac u gaysto.

Kadib markuu inanka siri-daaliga u ah ee maamulka iyo lacagta xafiiska u jooga uu faray inuu uga haywlgalo warbaahinta islamarkaana ay dacaayado iyo warar beena ka qoraan maareeye cismaan sheekh iyo qoyska madaxwaynaha, Iyagoo ku eedaynaya in qandaraaska wadada isku xidha hargaysa iyo gabilay ay ku shuraakoobeen, taas oo sida wararku ay sheegayaan ay tahay.

In wasiir cabdilaahi abokor oo qoondaystay in cid gaara oo uu wataa qandaraaskaasi la siiyo, halka maareeye cismaan oo ay shaqadiisi tahayna qabo aragtida odhanaysa waa loo tartamayaa oo gudida qandaraasyada qaranka ayaa shaqadaas leh, arintaasina ay tahay mida wasiir cabdilaahi abokor ku kaliftay inuu maareeyaha dagaal noockastaba ah ku qaado ilaa gudida qandaraasyadana wax kaga sheego oo xitaa ku ladho qoyska madaxtooyada, arimahaas oo dhana yihiin kuwo wasiirka  ku kalifay kaliya qandaraaska haloo tartamada uu maareeyuhu soo istaagay.

Wasiirkuna miciinsaday xogahan dhalanteedka ku salaysan ee warbaahinta uu u isticmaalayo sida guracan ee haatan jiritaanka aritaasi ay faashilkeedii dibada u soo baxday ogaalkeedina la helay in wasiirku guud ahaan ba arimihaas oo dhan isagu yahay shaqsiga daaha-dabadiisa ka maamulaya, tiyoo lacag doori kaga baxday wararkaa humaaga beenta ah walwaalaya.

Waxaana ka mida weerarka uu wasiirku ku qaaday maareeyaha iyo qoyska madaxwayanaha ba qoraaladan ay ku soo daabaceen warbaahinta noocyadeeda kala duwan iyagoo si dadban u isticmaalaya warfidiyeenadii qalin maalka ahayd, kadib marka ay arinta qandaraasku halkii ku haboonayd ee sharciga jidaynayay ay gaadhay oo ah haayada qandaraasyada qaranka.

Hadaba aan halkan idiinkula wadaagno qaybo ka mida wararka dacaayadaha ah ee ay warbaahinta qaar kaga qoreen maareeyaha iyo qoyska madaxwaynaha tiyoo wararka aanu helnay noo xaqiijiyeen samaynta wasiirku ku leeyahay wararkaasi oo u dhignaa qaybo ka midi  sidan:

Hirdan qandaraaska wadada galbeedka ayaa sidoo kale Lala xidhiidhay sobobta uu mareeyaha haayada wadooyinku sameeyay isku shaandhayn iyadoo xogahani tibaaxeen in ujeedada u wayni ahayd sidii meesha looga saari lahaa agaasimaha maamulka iyo lacagta halka dibada laga keenay masuul cusub oo aan xataa kamid ahayd shaqaalaha haayada wadooyinka kuna jirin bayrolka dawlada Dhanka kale wararka dheeraada ka ah ee laga helayo amuurahan ka taagan wasaarada gadiidka iyo haayada wadooyinka ayaa bil dhaamiyay awooda qorsoon ee ay khilaafkan ku leeyihiin xubno kamida qoyska madaxwayne muuse biixi oo iyagu danaynaya sidii ay u qaadan lahaayeen qandaraaska jidka isku xidha hargaysa iyo kalabaydh, kuwaasi oo ay xataa la kala safan yihiin mareeyaha iyo wasiirku. Sidoo kale xubanahan kamida qoyska madxawayne bixi ayaa la sheegay In ay qorsheeyeen sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen gudida qandaraasyada Qaranks  oo iyadu leh awooda shaacinta iyo kala saarista shirkadaha utartamaya dhismaha jidka isku xidha hargaysa iyo gabiley  qorsheeyayna in ay iyagu keensadaan xubanha ka imanaya haayada wadooyinka iyo wasaarada gadiid islamarkaana gudida qandaraasyada ay ka haystaan xubin qoys ahaan ay kalsooni wayn ku qabaan in door wayn ka qaadan doonta  sidii ay ugu guulays lahaayeen  qandaraaskan,

Hadaba akhriste waxa iswaydiin mudan marka masuuliyiintii qarankan inay u shaqeeyaan loo igmaday sidan isugu isticmaalayaan dacaayadaha beenta ah iyo wararka aan jirin sidee ayay umada wax ka sugaysa ugu adeegi karayaan? maxaase la gudboon madaxwaynihii umadani ay soo dooratay ee xilalka u dhiibay masuuliyiinta habdhaqanka noocaas ah ku kacaya? iyana waa jawaab u baahan in falcelinteeda laga arko madaxwaynihii shacbigu doortay.

Maaha markii koowaad ee waa xaajo xiliyadan danbe ku soo badatay in masuul ku weeraro warbaahinta masuul kale isagoo bidaya ama isleh waxbaa kuu qarsoonaanaya balse waxiisu yihiin kuwo qaawan oo kaashifa.

Guntii iyo gabagabadii waxaan muran ka taagnayn in wasiir cabdilaahi abokor gabood falada uu kula kacay maareeye cismaan sheekh ay tahay mid guud ahaan meel ka dhac ku ah xukiuumada madaxwayne biixi islamarkaana ka mid noqon doonta sooyaalka taariikheed  ee diwaanka qaranka u gali doona.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews