marsanews.com
Laamaha Amniga Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsan Xukuumaddii Madaxweyne Cabdi Iley Oo Si Dhuumasho Ah Madaarka Hargeysa Kaga Baxayay
August 23, 2018 - Written by editor marsan

Akhri Magacyada Labadan Wasiir + Muddada Ay Dalka Joogeen Iyo Halka Laga Qabtay

Hargaisa:(Marsanews) laamaha amaanka ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay xubno sare oo ka tirsan xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee talada maamulka Killilka shanaad laga wareejiyay oo si qarsoodi ah gudaha Somaliland kusoo galay, isla markaasina uga baxa islahaa.

Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer (Ibraahim Sacab) iyo wasiirka caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qoloombi oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho, waxaanay ilaa toddobaad ku sugnaayeen magaaladda Hargeysa.

Illo xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in Labadan wasiir maalinimadii Salaasada ee Ciidda, laga qabtay madaarka Cigaal ee Hargeysa oo qorshahoodu ahaa inay ka dhoofaan, iyagoo usii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho.

Xogtu waxay intaasi ku dartay in laamaha amnigu weydiiyeen labadan sarkaal su’aalo la xidhiidha sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews