marsanews.com
Maxamud Xaashi Oo Ku Guulaystay Xilka-qaadis Uu La Maagana Hanti-dhawraha Guud kiyo Hore u Gaystay Xafiiska Nin Ay Isku Hayb Yihiin Si aan Cidi u Ogaan Boobka Hantida Qaranka
August 2, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Wasiirka wasaarada madaxtooyada Md, Maxamuud xaashi oo baryahan danbe ku hawlanaa sidii uu uga takhalusi lahaa hantidhawraha guud ee qaranka ayaa haatan hawlgalkiisa ku guulaystay taas oo qaranka dibindaabyo ku ah marka aad eegto ujeedada rasmiga ah ee ay daaran tahay arintan xilka qaadista hantidhawrahu.

Image result for maxamuud xaashi

Waxa dhawaan dhacday inuu maxamuud xaashi gudoomiye ku xigeen aan hore ugu jiri-jirin qaabdhismeedka hantidhawrka uu keensaday una soo magacaabay in haayada hantidhawrka uu gudoomiye ku xigeen uga dhigo nin ay isku hayb ka soo jeedaan isla markaana talaabadii labaad ee uu ku hawlanaa ay ahayd inuu meesha ka saaro hantidhawraha guud si mudada kooban ee xukumadan wakhtigeedii ka hadhsan uu ninkan ay haybta wadaagan ku sii sime ka haaado xafiiska hantidhawrka oo aan la magacaabinba hantidhawre guud oo cusub, taas oo iyada uu uga goleeyahay si ay ugu fududaato lunsiga hantida qaranka xiliyadan kala guurka ah.

Waxa mudo aan fogayn madaxwayne silanyo isugu yeedhay haayadaha la dagaalka musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka masuuliyiinta haayadahaas oo ka koobna madaxda hantidhawrka qaranka iyo kuwa haayada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa kiyoo madaxwaynhu kulankooda kaga hadlay maadamo xili kala guur lagu jiro waxa waajiba inaad ilaalisaan hantida umada si aan looga faaidaysan wakhtigan kala guurka, arintaa oo in badan oo bulshada ka midi so dhawaysay ayaa hadana wasiiradan ku mamay hantidii umadu ay hawshaa si cad u ragaadiyeen iyagoo isticmaalaya awoodaha madaxwaynaha aadka u daalan, kawna ka yahay wasiirada hawshaa ka gilgishay ee danahoogii arkay inay dabrayso wasiir maxamuud xaashi isla markaana bilaabay sidii uu gabi ahaan ba uga takhalusi lahaa gudoomiyaha hantidhawrka kadib markii uu iscasilay gudoomiyihii maamul wanaaga iyo la dagaalka musuqmaasuqa ayuu ka hantidhawrkana ku bilaabay halgalkii lagu eryi lahaa waxuuse ka sii horaysiiyay inuu sii gaysto kuxigeen hadhaw ku siisime ka noqda meesha taasina ay noqotay arin uu guul ka gaadhay.

waxase iswaydiin mudan waxan loo hamiyo digleeyahay miyaanay ahayn hantidii umadan masaakiinta ah miyaanay ahayn dulmigii iyo dhacii rajiimkii siyaad bare lagula dagaalamay, miyaanayse ahayn dad ilaahay ka baqaya oo garanaya inay noloshuba tahay ayaamo tirsan

isku soo wada duuboo waxa loo tafaxaytay waa hantida umadan sixir bararka iyo abaaruhu aafeeyeen ee waliba shaqo la’aanta dhalin yaradoodii badaha isugu gurayaan.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews