marsanews.com
Maxay Tusmaynaysaa Lugta uu Laasimay Madaxweynaha Somaliland?
December 5, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta dhawayd, masaafo dheer  lugeeyey jidka laamiga ah  isku xidha caasimadda Hargeysa iyo Magaalada Baligubadle, isagoo aan wadan wax ilaalo ah oo mashquuliya, taasi oo tusmaynaysa nabadgelyada buuxda ee ka jirta JSL oo aan dhici karin dalal  la deris ah Somaliland.

Dad si kadiso ah jidkaas ugula kulmay  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu madaxweynuhu tallaabo dheeraynayey oo uu  si kalsooni leh iskaga socday Waddadaas.

 Waxa kaloo la tilmaamay in madaxweynuhu dadka dariiqa marayey iyo kuwa  gaadiidka saarnaa labada  uu salaamayey, qaarna u gacan haadinayey, kuwaasi oo jeclaystay in madaxweynahoodu  uu ummadiisa dhex maro si uu indhihiisa ugu soo arko baylahda iyo badhaadhaha labadaba. waxa uu la shaaheeyey dad fadhiyey kaantaroolka laga soo galo Magaalada Hargeysa ee yaalla jidka Baligubadle. Waxa kaloo uu qadar kubad la ciyaaray kooxo dhallinyaro ah.

Ma aha markii u horreysay ee Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ay kamaraduhu qabtaan  isagoo si caadiya u dhex socda bulshada, gaar ahaan goobaha barkulanka dadweynaha.

Saxaafadda bulshada sida facebook-ga ayaa aad loogu falanqeeyey sawirka  socodka madaxweynaha, waxana rayul-caamka bulshadu ay ku diirsadeen in madaxweyne Muuse Biixi laasimo inuu dhex socdo xili kasta bulshadiisa,waxana dadka fikirkaas qabay ay ku doodayaan inay tahay hab uu si fudud  ku kasban karo inuu  talooyin ka helo bulshada uu u adeegayo.

 Sidoo kale, waxa  jiray dad qaar  ku  talinayey inuu gobollada  dalka ku tago safarro kadis ah oo uu ku dersayo waaqica dhabta ah.

Dadka wax  fallanqeeya  ayaa qaba in nabadgelyadu tahay hantida ugu qaalisan ee shacbiga Somaliland ku naaloonayaan sidaas darteedna, dawlad iyo shiciba loo baahan yahay in la xoojiyo oo laga wada shaqeeyo adkeynta  nabadgelyada  oo fure u ah isbeddel kasta iyo horumar walba oo ay Somaliland gaadhay rubuc qarniga ay xornimadeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews