marsanews.com
Musharaxa Ciro Oo Isku Garaacaya Labada Xilibaan Ee Haybta Qudha Ka Soo Wada Jeeda Iyo Ujeedooyinka Uu Ka Leeyahay
August 23, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Curashadii khilaafka golaha wakiilada oo noqday mid leh muuqaalo badan oo ka qoto-dheer kursiga laga hogaamiye golaha wakiilada.

Aan ku horayno maalintii doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada loo codaynayay iyo hambalyadii xilibaan talyanle iyo tii musharax ciro oo isagu ahaa gudoomiyihii baneeyay jagadan khilaafka cakiran ka taagan yahay, ugu horayn ba markii ay dhamaatay doorashadii gacan-taaga ahayd waxa si qurux badan oo niyad sami ku dheehan tahay ugu bogaadiyay guusha doorashada hogaaminta golaha xildhibaan talyanle oo ahaa tartamihii ay baashe ku loolamayeen kursigaa, waxa isna sidoo kale hambalyeeyey musharax ciro isla markaana sidaasi ayaa golahii lagaga dareeray oo uu fadhigaasi ku xidhmay maalintaa.

Mar qudha ayaa dhagaha dadka ay ku soo dhacday xaajo ugub ku ah dalka,  Kadib markii warbaahinta habeenimadii uu xildhibaan talyanle la soo fadhiistay inuu isagu guulaystay, arintaas oo fajac iyo amakaag galisay bulshadii ileen isagoo hambalyeeyay ayaa la wada daawanayee.

Hadaba waxa suaal mudan waa maxay sababta soo mirkicisay xitaa hadii uu ahaa ka guulaystay balse golaha dhexdiisi fadhigii ku xidhmay baashe oo guushu raacday iyo talyanle oo bogaadiyay, suaasha aan iswaydiinayno ayaa ah sababta go’aan gole oo dhacay siduu doonaba haw dhacee looga daba-yimid?

Jawaabta suaashaas oo aragtiyo badan laga bixiyay, ayaa dadka qaar leeyihiin waxa ay hordhac u tahay sida hadhaw toole natiijada doorashada uu xusbiga waddani u diidi doono hadii laga guulaysto, halka qaar kalena leeyihiin xusbiga waddani waxa ku dhex jirta gacmo shishe oo xasiloonida dalka ayaa la wiiqaya, aragtiyahaa iyo kuwo kaloo badan ba waxa iswaydaarsanaya shacbi waynaha reer somaliland.

Aragti kale oo ay qabaan badiba Xeel-dheerayaasha siyaasada somaliland sida fiican u odorasa ayaa sheegaya in musharax ciro labada xildhibaan ee kursiguu ka kacay ku tartamayay ee kala guulaystay oo labadaba uu saaxiibo dhaw la ahaa isla markaana labadooda xildhibaan waa baashe iyo talyanle ay yihiin laba hayb qudha ka soo wada jeeda oo musharax ciro isku garaacayo isagoo uga goleh in khilaafka golaha wakiiladu sahlo dibu-dhac ku yimaada doorashada mudada koobani ka hadhsan tahay isla markaana uu saadaalinayo marka golaha dhexdiisa laysku dilo ee ay khasaare yimaado in ay noqonayso inay saamayso ilaa heer qabaliya oo labada xildhibaan jufooyinka ay ka soo jeedaan is hirdiyaan taasina ay keento in aan doorasho dhicin oo xaalad abuur yimaado, iyadoo musharax ciro ay ugu wacan tahay inuu sidaa sameeyaa quusta iyo guul-darada kala soo daristay gobolada bariga somaliland ee ay maalmihii dhawaa dhoolatuska siyaasadeed kulmiye ka soo sameeyay bulshada deegaanadaasina soo ban-dhigeen cududa taageero ee kulmiye ay u hayaan, halka waddani na uu hungada kala soo huleelay.

arimahaas iyo kuwo kale ba waxa ay yihiin kuwo food-saaro u ah arintan golaha wakiilada ee lagu kala calaf qaaday gole waynaha umaduna intay arkaysay ay ahayd hambalyooyinkii garabka talyanle iyo guushii loo haneeyay baashe, balse xusbiga waddani habeen badhkii umada wax aan u qalmin ay la soo hor-yimaadeen taasina dhaxalkeeda siyaasiga ahi noqon doonto mid bulshadu ku cabirayso hogaaminta musharax ciro iyo sida uu u aqbali doono xusbigaa uu horjoogaha ka yahay doorashada madaxwaynaha.

Wrettin by cheif editor c/risaaq maxamed axmed.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews