marsanews.com
Qaybo Ka Mida Somaliland Oo Laga Wado In Maamul Goboleedyo Laga Sameeyo Iyo Kaalinta Turkiga Ee Arintaa + Mooganaanta Xukuumada Iyo Mucaaridka Iyagu Isu Muuqda
December 7, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Somaliland ayaa weerero culus oo dhinaca dublamaasiyada ah lagu soo qaaday, tiyoo aanay madaxdeedu dhugmo badan ba u lahayn.

Sida ay sheegayaan warar ay heshay shabakada wararka ee marsanews.com, waxa dhaqdhaqaaq xoogani ka socdaa qaybo ka mida gobolada bariga somaliland oo la damacsan yahay in lagaga dhawaaqo maamul goboleed, kaasi oo sida wararku xaqiijinayaan, maalintii shalay la hor dhigau urur goboleedka IGAD, oo la rabo inay soo ansixiso.

Madaxwaynihii hore ee maamul goboleedka somaliya ee Puntland Md, Faroole iyo gudoomiyihii dhawaan xilka baarlamaanka Puntlnad laga eryay Md, Dhoobo-daarood, ayaa arintan u xil saaran islamarkaana uu farmaajo u soo igmaday, tiyoo dhaqaalaha hawshaa ku baxaya la sheegay in Prof, Cali Khaliif Galaydh loo soo dhiibay.

Sida ay hawsha ku wadaan ragaasi damacsan in maamul goboleed la yidhaa maakhir land ay kaga dhawaaqan bariga gobolka sanaag ayaa la sheegayaa inay tahay mid ay dadka deegaanka isir ahaan uga dhaadhicinayaan hirgalinta mashruucaasi, kaas oo durtaba socda, dhaqaalihiisana ay ku deeqday dawlada turkiga, sida wararku noo xaqiijiyeen.

Somaliland ayaa madaxdeedu isku mashquulsan yihiin xili cadawgii dibada ee somaliland ay weeraro culus ku hayaan, waana ta keenaysa in cadawga somaliland ay ku soo dhiiradaan.

Ilaa iyo imika ma jirto cid ka hadashay arintaasi marka laga reebo faysal cali waraabe oo isagu si guud fagaare ugaga hadlay sheegayna in ay jiraan hawlahaasi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews