marsanews.com
Qiimaynta 2020-ka Wadamada Ugu Qadarinta Sareeyo Baasaboorkodu Oo Japan Kaalinta Koowad Gashay Iyo Halka Ay Somaliya Kaga Jirto
January 14, 2020 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay Aqoonsan tahay Hay’adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa Qiimeyn ku sameeyay Baasaboorada caalamka kuwooda ugu Tayada wanaagsan ee la qadariyo, oo  Dadka wataa ay si sahlan ugu Safri karaan iyo kuwa ugu Liita ee ay Adag tahay in Dadka sita ay si fudud ku tagaan dalal badan oo caalamka ah.

Hadaba Hadii aynu Bilawno  Darajada iyo Sida ay u kala Wanaagsan yihiin.

Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu Tayada wanaagsan Caalamka oo dadka heysta ay si fudud ugu Safri karaan Daafaha caalamka.

Dadka Heysta Baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka ah ,

Waxaana ay dal ku galka ama Visaha ay ka heli karaan meesha ugu Horeysa ee ay ka galaan dalalkaas.

Waxaa muuqata in Qiimeynta la sameeyay ay ugu horeeyaan dalalka Qaaradda Aasiya, waxaana kaalinta labaad galay dalka Singapore.

Dadka heysta Baasaboorka dalkaas waxay Visa la’aan tegi karaan inkabadan 190 Wadan oo caalamka ah, halka kaalinta Saddexaadna ay ku jiraan dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo muwaadiniinta u dhashay Wadamadaas ay 189 dal ku tegi karaan si sahlan, iyadoona dal ku galka laga siinayo halka ugu horeysa ee ay ka galaan wadamadaas.

Dalalka Yurub ayaa sidoo kale soo galay kaalimaha ugu horeeya, kuna badan kaalinta 10-aad, waxaana kaalinta afaraad ku jira dalalka Finland iyo Spain, halka dalalka Luxembourg iyo Denmark ay soo galeen kaalinta shanaad, Faransiiskana wuxuu ku jiro kaalinta lixaad.

Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay in ay hoos uga dhaceen kaalimihii hore ee ay ku jireen.

Dalka Ingiriiska ayaa hoos u dhaca ku yimid lagu tilmaamay jahwareerka ka dhashay ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub, waxaana Ingiriiska uu hadda ku jiraa kaalinta sideedaad.

Britain ayaa shantii sano ee la soo dhaafay ku jirtay kaalimaha ugu horeeya.

.

Sida lagu qoray Henley Passport Index, dalka Imaaraatka Carabata ayaa lagu Qiimeeyay Waddan guul badan ka gaadhay sare u qaadidda Tayada baasaboorkooda, maadaama dalkaas dad badan oo caalamka Ahi  ay dalxiis u tagaan.

Baasaboorka dalka UAE ayaa Tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku jiray kaalinta 47-aad, balse hadda waxaa lagu qiimeeyay kaalinta 18-aad, waxaana dadka heysta baasaboorka dalkaas ay dal ku gal la’aan tegi karaan 171 wadan oo caalamka ah.

Baasaboorada Sanadkan 2020-ka ugu Wanaagsan Caalamka waxay kala yihiin:

  1. Japan (191 destinations)
  2. Singapore (190)
  3. Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189)
  4. Talyaaniga, Finland (188)
  5. Spain, Luxembourg, Denmark (187)
  6. Sweden, Faransiika (186)
  7. Switzerland, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, Austria (185)
  8. Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Griiga, Belgium (184)
  9. New Zealand, Malta, Jamhuuriyadda Czech, Canada, Australia (183)
  10. Slovakia, Lithuania, Hungary (181)

Baasaboorada ugu liita caalamka sannadkan 2020-ka waxay kala yihiin:

Dalal dhowr ah oo caalamaka ayaa baasabooradooda dal ku gal la’aan lagu tegi karaa wax kayar 40 dal. Waxayna ku jiraan lambarada ugu hooseeya:

  • 100. Kuuriyada Waqooyi, Sudan (39 destinations)
  • 101. Nepal, Falastiin (38)
  • 102. Libya (37)
  • 103. Yemen (33)
  • 104. Soomaaliya, Pakistan (32)
  • 105. Suuriya (29)
  • 106. Iraq (28)
  • 107. Afghanistan (26)
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews