marsanews.com
Saddex Qodob Oo Caqabad Adag Ku Noqon Doona Madaxweynaha Cusub Ee DDSI
August 8, 2018 - Written by editor marsan

Maalintii Axadii ayay ahayd markii Golaha dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya kulan deg deg ah oo ay yeesheen ay ugu doorteen Madaxweyne si ku meel gaadh ah Axmed Cabdi Maxamed oo hore u ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Maamulkii Cabdi Iley islamarkaana ka tirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga.

Haddaba waxa aynu ku eegi doonaa warbixinteenan Saddex qodob  oo caqabad ku noqon doona Madaxweynaha cusub ee loo doortay hoggaaminta talada DDSI waxaanay yihiin sidan:-

1- Madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Maxamed ayaa waxa uu saaxiib dhaw la ahaa madaxweeynihii hore ee Kilinka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo lagu eedeeyay in uu killilka 5aad ka geystay tacaddiyo badan iyo xasuuq baahsan, taas oo sababtay in kacdoonkii ka dhashay ay Ciidamada Federaalku farogalin toosa ku sameeyaan maamulka Cabdi Iley kuna qasbaan in uu xilka isaga dego. Sidaas daraadeed shacabka DDSI ayaan aaminsayn in isbaddel dhab ahi ka dhacay maamulkooda.

2- Ururrada mucaaradka iyo Jabhadda ONLF oo si xooggan uga soo horjeeday maamulkii Cabdi Iley iyo Xibiga (X.D.SH.S.I) ayaan ku qancin isbaddelka qori isku dhiibka ah ee ka dhacay Jigjiga, waxaana Caddaani Hirmooge Afhayeenka ONLF sheegay in Ninkani aanu waxba baddelayn waxaanu ku tilmaamay inuu yahay mid ka yimid isla kuwii gobolka maamulayay, isla markaasna ay sidii isu khilaafsan yihihiin faderaalka.

3- Madaxweynaha Cusub Axmed Cabdi Maxamed oo muuqaallo iyo sawirraan uu hore ugu faafiyay baraha bulshada laga arkayo fudaydka dhallinyaranimo; waxaana la arkayaa muuqaallo wareegaya baraha bulshada isaga oo mararka qaar wax caayaya ama sawirraan dad mucaarad ku ahaa laad la dhacaya iyo waxyaabo la mid ah, kuwaasi oo adhax jab ku noqon kara masuuliyaddiisa hoggaamineed ee Mustaqbalka.

Dhammaan qodobbadan ayaa la filan karaa in Axmed Cabdi Maxamed ay ku noqon doonaan caqabad ka hortimaadda inta uu xilka hayo.

Axmed Ilkacase ayaan loo dooran Madaxweyne rasmi ah balse shalay ayaa Golaha dhaxe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya uu kulan degdeg ah oo uu yeeshay ugu doortay si ku meel gaadh ah Madaxweyne.

Sources by Xornimo News

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews