marsanews.com
Tartanka Shirkadaha Qandaraaska Dhismaha Wadada Hargaysa Ilaa Wajaale Iyo Kurbada Wasiirka Jidadka Oo Si Gaara Shirkad Tunka Ugu Sita
October 25, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Culayska iyo miisaanka dadaalada wasiirka wasaarada horumarinta jidadka Md, Cabdilaahi Abokor ugu jiro, ka midho dhalinta helista qandaraaska dhismaha wadada isku xidha Hargaysa Ilaa Wajaale oo cadadka lacagta ku baxaysa lagu sheegay inay dhan tahay Afar Milyan Oo Dolar.

Sida warar xogagaali sheegayaan waxa qandaraaskaas tartan u gali doona ama ilaa imika soo codsaday shirkado dhawra oo ay ka mid tahay mida wasiir cabdilaahi abokor dadaalada ugu jiro, tiyoo sida aad la wada socotaan hirdanka iyo loolanka helista qandaraaskaasi uu ku kalifay xiliyada qaar in wasiirku dacaayado ka dhan ah masuuliyiin iyo gudiga qandaraasyadaba uu u adeegsaday warbaahinta noocyadeeda kala duwan isagoo si dadban u isticmaalay. xogo dhalanteed ku salaysan.

Fiiro gaara waxa ay bulshada iyo xukuumada madaxwayne biixi ba ku haysa qaabka tartanka gudida qandaraasyadu u qaban doonan iyo sida ay u kala xulan doonan shirkada ku guulaysata helista qandaraaskaas, tiyoo dhugmada aadka u saraysa in loo yeesho ay keentay dhaqdhaqaaqyada iyo loolanka ba’an ee wasiirka jidadku mashquulka kaga noqday shaqadii qaranka uu u hayay oo uu ka doorbiday ka jibo-keenista doonistiisa guusha shirkada uu wato sidii ay u noqon lahayd ta hanata qandaraaskaasi.

Waxa xusid mudan oo aanu soo bandhigi doona magaca shirkada uu wasiirku tuurta ku sito kuna leeyahay saami iyo waliba cida ugu qoran oo xogaha rasmiga ah ee aanu helnay ay xusayaan siro badan oo ku duugan islamarkaana aanan ka hordhici doonin qaabka gudida qandaraasyadu ugu xaqsoorto shirkadaha kala duwan ee tartamayaasha ka ah qandaraaska dhismaha wadada mihiimka ah, waxa kale oo iyana wararku ay intaa ku darayaan in haayada ku deeqday lacagta dhismaha wadadani ay lafteedu la socoto dhaqdhaqaaqyada xulashada shirkadaha oo durtaba dibada ay xogo uga soo baxayaan sida loogu kala horeeyo, wallow aan si rasmiya loo haynin cadaymo wakhti xaadirkan daaha ka faydaya inay jirto cid gaar ugu cayiman gudida qandaraasyada, balse kaliya hawlgalada wasiirku ay dhaliyeen dareeno taban oo isa soo tarayay maalmahan u danbeeyay ba.

Marsanews. Hargaysa Office

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews