marsanews.com
Wasiirka Horumarinta Jidadka Oo Shaqadii Qaranka Uga Fiidaystay Dano Gaara Oo Ka Dhexaysa Jilayaal Caan Ah
November 16, 2018 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Wasiirka wasaarada horumarinta jidadka Md, Cabdilaahi Abokor oo ka mida xukuumada madaxwayne biixi ayaa guud ahaan bulshada reer somaliland iska waydiinaysa suaalo badan.

Wasiir cabdilaahi abokor oo aynu la wada socono wareegtooyinka faraha badan ee uu soo saaro, islamarkaana ay ka midka ahayd wareegtadii badalaada bilaydh namberka gaadiidka oo hore uu qandaraaskeeda u haystay ganacsade Maxamed baarjeex, tiyoo qiimaha xiligaa hore bilaydh nambarku uu ahaa $30 islamarkaana xukuumadu ay qaadan jirtay $11 halka ganacsade Maxamed Baarjeex uu ka qaadan jiray $19 balse sida uu wasiirka jidadku wareegtadiisa ku sheegay ay ahayd in samaynta bilaydh namberka gaadiidka gacanta dawlada lagu soo celiyay oo xukuumadu la soo wareegtay sida liisamada, haamihii shiidaalka iyo meelo kaloo badan.

Sida aanu ku helnay ilo xogogaala ayaa sheegaya inaanay idil ahaan ba jirin qandaraaskii bilaydh namberka gaadiidka in wasaaradu la soo wareegtay, balse kaliya ay jirto in ay sidii hore oo kale  u wadaagan wasiir cabdilaahi abokor iyo ganacsade Baarjeex kaliya waxa isbadalayna ay tahay qiimihii bilaydh nambarka oo saamada lagu laalay, tiyoo ay wadaagayaan lacagtaasi oo dhan $110 wasiirka iyo ganacsadaha hore u samayn jiray oo ah maxamed baarjeex sida ay u qaybsan tahayna ay tahay, In ganacsade Baarjeex leeyahay $40 halka wasiir cabdilaahi abokor oo xukuumadii matalayaana ay wasaaradiisu leedahay $70.

Hadaba waxa iswaydiin mudan waxa is badalay iyo faaiidada timid ba waxay tahay? kaliya sababta keentay in ganacsadahan hore u qaadan jiray $19 uu haatan u helay $40 ayaa wararku xaqiijinayaan inay tahay xidhiidho taban oo wasiirka ka dhaxeeya islamarkaana indho sarcaad loo dhigay umada iyo waliba madaxwayne biixi laftiisa oo sida la sheegay aaminsan in gacanta dawlada ay ku jirto samaynta bilaydh nambarku balse xaqiiqdu tahay in sidaa loo shaxaystay.

Waxa kale oo sida aanu xogahan ku helayno ay sheegayaan in wasiir Cabdilaahi Abokor xidhiidhkan mid la midi ka dhaxeeyo Ganacsade Cumaani oo isagu qandaraaska dhismaha saldhiga Berbera qaybta Rarka Ama keenista Dhagxaanta iyo Ciida qaatay shaqadaas oo wasiir Cabdilaahi abokor ay uga hawlgalaan ama uga shaqeeyaan Afar gaadhi oo kuwa dhagxaanta qaada oo noocoogu yahay (Jayniis Taraag) iyo laba Cagacagaf, isagoo araintaasi dhaafsaday fududaynta hawlo ganacsade cumaani kaga xidhmay wasaarada gaadiidka.

Dhanka kale waxa iyana jirta in deegaanka Haygabo gaadiidka dhagxaanta ka gura ay dad rayid ah oo deegaankaasi degani ka qaadan cashuur aan sharci ahayn oo cadadkeedu dhan yahay Sadex Boqol oo kun shilinka somaliland gaadhigiiba islamarkaana uu arintaa deegaanka u sameeyay Wasiirka horumarinta jidadka oo la sheegay in lacagtaasi sadexda boqol ah uu isagu calaa gaadhi ku leeyahay boqol kun halka labada boqol ee kale ay qaadan dadkaasi shacbiga ah ee degmadaasi.

Hadaba waxa ay arintaasi keentay inay xiisad adag ka dhex dhaliso dadka shacbiga ah ee deegaankaasi ku nool oo iyagu isku haysta qaadashada lacagtaas oo ay suurta gal tahay in saacad kasta arintaasi keeni karto xaalad abni daro maadaamo sifaha lagu jideeyay qaadashada lacagtaasi ay tahay mid aan maamulka dawlada meelna kaga jirin oo shaqsiyaad shicib ah uu u samaystay wasiirku.

Ugu danbayntii waxa ay in badan oo ka mida shacbiwaynuhu iswaydiinayaan awoodaha intaa leeg halka uu wasiirku ka keenay iyo waliba sida aanu cidna waxba iskaga tirinayn oo xitaa madaxwaynihii soo cugtay aanu ahayn mid u joojinaya oo uu yahay shaqsi halka uu ku socdo aanay cidi fahmi karin balse ay muuqato uun inuu yahay mid hawlihiisa gaarka ah ka doorbiday shaqadii uu qaranka u hayay, waxse umadu ay dhawraysa sida uu madaxwayne biixi ka yeelo xiliyada dhaw ee soo socda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews