marsanews.com
Wax La Qaadan Karo Maha Ethiopia Oo Boqol Milyan ah In Ciidamada Bada Aanay Lahayn” General Berhanu Jula
November 9, 2018 - Written by editor marsan

Itoobiya Oo Qorsheyneysa Inay Saldhig Ciidammada Badda Ah Ka Dhisato Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya

Taliye ku xigeenka ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig millatari oo ciidamada badda ah kana dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo kuwa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah.

General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika, sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda.

“Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah gudaha dalalka Somalia, Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yidhi General Berhanu.

General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka kala soo degaan kana dhoofsadaan.

Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelanayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo kuwa badda ah. ayuu yidhi Jananka.

Warkan ka soo yeedhay taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in ayna ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaadhayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan.

Tan iyo sannadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda.

Arintan oo noqonaysa mid amakaag ku keentay shacbiga reer somaliland maadamo meesha uu ganeralku farta ku fiiqayaa ay tahay xeebta saylac oo iyadu ah halka ay sheegayaan in ay 60km u jirto.

Xukuumada somaliland ayaan wali ka hadlin arintan tiyoo aan meelna ayna xogta warkan lagaga xusin balse sida warka generalku uu sheegay uu kaliya ku xusay wadamada jabuuti, somaliya, erateriya, puntland, islamarkaana cabirka tilmaanta uu bixiyayna tahay xeebta bada saylac oo ah somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews