marsanews.com
Xiisado Dhimasho Sababay Oo Kenya Hadheeyey Tan Iyo Markii Natiijadii Doorashada lagu Dhawaaqay
August 14, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xiisado isku lid ah, ayaa lagu soo warramayaa inay hadheeyeen dalka Kenya wixii ka dambeeyey markii habeen-saddexaadkii  Guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijada doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday 8-dii bishan oo ay shaaciyeen in Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta ku guulaystay doorashada, markaas oo ay dabbaal-degyo Taageerayaashiisu dhigayaan iyo Muddaharaaddo Taageerayaasha Musharrixii Mucaaradka ee Raila Odinga dhigayaan ka bilaabmeen, kuwaas oo weli ka sii socda magaalooyinka waddankaas.  Sii hayaha xilka Wasiirka arimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i, ayaa Shacabka dalka ugu baaqay in ay dib u bilaabaaan nolol maalmeedkoodii caadiga ahaa ka dib doorashadii madaxtinnimada ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku guulaystay. Matiang’i wuxu sheegay in dalka badankiisu xasiloonyahay laakiin ay jiraan qulqulatooyin googoos ah oo uu sheegay in ay wadaan kuwo Qas-wadeyaal ahi.

Wuxu sheegay Sii-hayaha Wasiirka guduhu in Booliska difaaci doono Dadka Shacabka ah iyo Hantidooda-ba, waxaanu ugu baaqay in Dadku si masuuliyadi ku dheehantahay u adeegsadaan Baraha Bulshada. Illaa hadda waxay wararku sheegayaan in saddex Qof ay Boolisku k dileen meelaha ay ku badanyihiin Taageerayaasha Musharraxii Mucaaradka ee Raila Odinga. Taa beddelkeeda, Taageerayaasha Madaxweyne Kenyatta, ayaa waddooyinka magaalooyinka ku dabbaal-degayey habeen-hore, shalay illaa xalay, halka meelaha ay ku badanyihiin Taageerayaasha Raila Odinga, ay ka dhaceen muddaharaaddo lagaga soo horjeedo guusha Uhuru. Ciidanka Booliska, ayaa lagu soo warramayaa in ay Sunta Dadka ka ilmaysiisa ku rideen Dad ku muddaharaadeyey Xaafado ku yaal magaalada Caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada Galbeedka dalkaas ku taal ee Kisumu. Waxaanu Madaxweyne Kenyatta, Shacabka ka codsaday inay nabadgelyada ilaaliyaan oo aanay wax amniga dhib ku ah ku kicin, waxaanu sheegay in aanay cidna dan u ahayn in lagu noqdo qulqulatooyinkii dalka Kenya ka dhacay doorashooyinkii 2007-dii oo kale. Balse, Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ee Xisbigiisu qaaddacay natiijada, ayaa Axaddii Maanta si kooban ula hadlay Taageerayaashiisa, waxaanu sheegay inuu ka xun yahay in Xukuumadda guushoodii qaadatay, haddana Ciidammo Boolis ah u adeegsanayso Shacab ay libintoodii dhacday. Waxaanu intaas ku daray oo uu u soo jeediyey Taageerayaashiisa inaanu Isniinta Berri u shaqo-tegin goobaha kala duwan ee ay ka hawlgalaan, si ay ugu baroor-diiqaan Walaalohooda Gardarrada dawladdu ku dishay,, sida uu hadalka u dhigay. Qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii 2007-dii ee Dalka Kenya saameeyey, waxaa ku dhintay ku dhawaad laba Kun oo Ruux, waxaana ku barakacay Nus Malyuun Qof oo kale oo Reer Kenya ah. Markaas oo ku dhawaaqistii natiijada ka dib ay isku dhaceen Taageerayaashii Xisbiyadan maanta Tartamay oo ay kala hoggaaminayeen Kenyatta iyo Odinga, markii dambena caalamku soo dhex-galay oo muranka lagu xalliyey in Uhuru qaato Madaxweynennimada, Raila Odingana qaato Raysal-wasaare. Dad badan ayaa doorashadan qabsoontay 8-da August 2017 maalmo ka hor ka sii qaxay gudaha dalka Kenya, iyaga oo ka cabsi qaba qalalaase inuu bilaabmo natiijada doorashada ka dib, kuwaas oo u qaxay dalalka deriska.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews