marsanews.com
Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Ramaax u Xidhan Yahay Gudoomiye Baashe’ Halka Xubno Ka Tirsan Waddani Ay ku Eedeeyeen Xadhigaasi Cid ka Bari Ah
December 29, 2019 - Written by editor marsan

Hargeisa:(Marsanews) Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Jiir Cali Madoobe, oo warfidiyeenka u waramayay uu sheegay in 28/12/2019-ka oo ahayd sabti la geeyay maxkamada xoghayihii arimaha gudaha ee xisbiga Ucid oo laba cisho ka hor lagu xidhay xarunta danbi-baadhista, haatana loo gudibyay xabsiga dhexe ee magaalada hargaysa.

Gudoomiyaha golaha dhexe ee Ucid Jiir Cali Madoobe waxa uu warfidiyeenka u sheegay in xoghaye Ramaax uu u xidhan yahay dacwad uu ka soo gudbiyay gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Md, Baashe Maxamed Faarax, kiyoo intaa ku daray in ay maxkamada ka dalbadeen in damiin lagu soo daayo, balse aanay u suurta galin.

Hadaba waxa iswaydiin mudan xubno ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo iyagu ka hadlay xadhigaa ramaax ayaa warbaahinta ka sheegay in ramaax aanu u xidhnayn gudoomiye baashe ee uu u xidhan yahay madaxwaynaha, arintaas oo idil ahaan ba waxba kama jiraan uu ka dhigay warka gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid oo ah xisbiga uu xilka u hayo ramaaxa xidhani, arintaas oo in badan oo ka mida bulshadu iswaydiinayso waxa ay uga jeedeen inamadan xisbiga waddani ka tirsan ee sida indho-laanta ah u waramaysay.

Waxa aan shaki ku jirin in xubnaha xisbiga waddani ee ka hadlay arinka xadhiga ramaax aanay ahayn kuwo xog ama xaqiiq midnaba haya ee ay ahaayeen oo kaliya kuwo iyagu meel uun ay kaga dhagtay, oo loolanka siyaasada iyo kasbashada quluubta shacbiga u haysta in lagu helo hadalo aan macno badan samaynayn oo aanay fiiro u yeelan, badina waxa ka muuqda hadaladooda nac iyo xumaan iyo waliba fahan daro, gaysiinaysa inay waxii afkooga ku soo dhacaba ay yidhaahdan.

Maaha siyaasadu uurxumo, maaha xaasidnimo, mana aha xiqdi iyo xumaan, ee waa loolan hufan iyo tartan cad oo loogu kala dheeraynayo taageerada bulshada, waana mid helista hiigsiga ka runsheegista himiladaada siyaasadeed, dhaawici karta hadii aad ka ilduufto godka shaxda laga dagayo.

Waxaan muran ku jirin weedhaha odhanaya Ciil-qabe iyo waxii la hal-maala ee ay isticmaalayaan xubnahan siyaasada qaladka ka fahmay inay tahay mid ku tusaysa aqoon-darida iyo fahan la’aanta siyaasadeed oo ah mida dhaxalsiisay inay halku-dhigyada ka aradan siyaasada ay isticmaalaan, waana astaamaha quusta iyo waliba caal-waaga.

Gabagabadii waxa mudan qofkasta oo u soo holada ama hami siyaasadeed uu ku jiro oo waliba jecel in ay saaxada siyaasada ka dhex ciyaarto kuna kasbato magac iyo maamuus, sooyaalkiisa nololeed ka dhexmuuqda, waa inuu si anshax iyo asluub ay ku dheehantay oo aqooni ay ka muuqato uu uga soo dhex mudhaa garoonka ciyaartu taalo, taasi ayaa magac iyo milgoba uu ku hanan karaaye.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews