marsanews.com
Xoghaya Dawlada Hoose Ee Hargaysa Ayaa La Sheegaya In Ciidamadii Ilaalada u Ahaa Laga Qaaday Xidhiidhkii Isgaadhsiinta Ciidankana Laga Xidhay
August 28, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Warar xogogaala ayaa sheegaya in xoghayaha dawlada hoose ee hargaysa laga qaaday ciidamadii amaanka ee ilaalada u ahaa iyadoo sidoo kalena laga xidhay xidhiidhkii isgaadhsiineed ee ciidanka taas oo aan la garanayn ilaa hada sababta rasmiga ah ee dhacdadan keentay, waxase ila wareedyo u dhuun daloola arintaasi ay sheegayaan in sifo aan sharci ahayn amar uga soo baxay taliska guud ee ciidanka bilayska lagaga kaxeeyay askarigii ilaaladiisa gaarka ah ahaa isla markaana la faray inuu xitaa redio gii isgaadhsiinta ee ciidanka laga xidhay.

Arintan oo ah mid ugub ku ah somaliland iyo masuuliyeenteedaba ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay dhul xabaalo ah oo baryahan danbe xoghayaha lagu dirqiyay inuu ogolaanshaheeda bixiyo isla markaana uu xoghayahu ka gaws adaygay, taasina ay keentay in ku tagrifal awoodeed lagaga kaxeeyo ilaaladiisi gaarka ahayd isagoo xoghayuhu shaqada uu qaranka u hayaa tahay mid aad u xasaasiya, oo aan mudnayn in marnaba lagula kaco falalka noocaasi oo kale ah.

Waxa iswaydiin mudan xadgudubka maamul ee xoghayaha lagu sameeyay halka uu salka ku hayo, maadaamo aanay ahayn shaqadiisa iyo taliska guud ee bilaysku meel ay hanaanka maamul iska soo gaadhayaan marka laga tago xaalad amni mooye aanay lahayn wadashaqayn kale, oo hadii ay xoghayaha qalad iyo qadaf shaqo ka tirsanayaan laamaha ciidamada amnigu ay ahayd inay la xidhiidhan ama uga dacwoodan wasaarada arimaha gudaha oo iyadu ah xudunta ama halbawlaha xukuumada ee guud ahaan laamahan oo dhan hoos yimaadan iskuna xidha isla markaana xoghayaha u soo igmatay hawlahan uu qarankiisa u qabanayo.

Dhanka kale arintan ayaa noqonaysa mid ceeb ku ah taliska guud ee ciidanka amaanka maadamo uu askariga ilaalada u ahaa xoghayuhu uu ka mid ahaa ciidamada gaarka ah ee dawlada hoose balse uu yahay askari bilaysa oo isagu fulinaya amarka saraakiishiisa ciidanka taasina ay luminayso dhamaan masuuliyadii amni ee qofwal oo muwaadinaba ka saarnayd ciidamada amaanka

Xoghayaha dawlada hoose ee hargaysa oo mudo kooban hayay xilkaasi ayaa shacbiga reer hargaysa ay ku bogaadiyaan shaqo wanaag, daacadnimo. karti, iyo hal-adayg uu ku guto waajibaadkiisa shaqo, isagoo mudada kooban ee uu joogay ama hayay xilkaa ay suuragaliyeen mashaariic farabadan oo dibu dhiska wadooyinka caasimada ah isla markaana ay so afjarantay murankii dhulka ee inta badan galaafan jiray ajalaha badan keenina jiray xaalado abni xumo arimahaasi iyo qaar kaloo badan ba waa kuwo lagu majeerto oo shacbi waynaha reer hargaysi ku amaanayaan xoghayaha dawlada hoose.

Hadaba waxa iswaydiin mudan marka xoghayaha oo mansab xasaasiya u haya qaranka laga kaxeeyay ilaaladiisi gaarka ahayd lagana xidhay isgaadhsiintii ciidanka amaanka miyaan la odhan karin waxa meesha ka baxaysa gabi ahaan ba nidaamkii dawliga ahaa ama masuuliyadii amni ee saarnayd ciidamada amaanka saraakiishooda gaar ahaana hogaanka taliska guud ee booliska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews