marsanews.com
Yaabka Xildhibaan Obama Iyo Balaaki Oo Iyagu Ahaa Kuwii Baashe Doortay + Xinif Iyo Baashe Oo Isku Dareen Ka Ahaa Guusha Waddani Ee Golaha
August 27, 2017 - Written by editor marsan

Hargaisa:(Marsanews) Xildhibaanno Iyo Masuul  ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Isagu la jilaya xildhibaanadan ka cadhaysnaa qaabkii Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax u aqbalay dhexdhexaadintii Guddoomiyaha iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI ku soo afmeerey khilaafkii muddoba ka taagnaa doorashadii Guddoomiyaha Wakiilada ayaa waxa ay hadalo hanjabaad iyo canaan isugu jira kula dul dhaceen Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo xalay fiidkii ku sugnaa Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa taasi oo keentay in buuq ka dhaco goobtii Baashe Fadhiyey ee xildhibaanadani qaylada ku soo ekeeyeen.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama), Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaki) iyo Agaasimaha Maamulka/Xisaabaadka ee Komishanka Ka Hor Tagga iyo La Dagaalanka Cudurka Aids-ka Cabdikariin Xinif oo isagu isdaad-raacinayay labadan xildhibaan ee aadka uga xumaaday talaabada baashe uu qaaday ayaa dhammaantood ah xubno Muxaafid ah oo ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE oo si weyn uga gadoodsanaa qaabkii suluxa ahaa ee uu Baashe Maxamed Faarax shalay u aqbalay dhexdhexaadintii uu khilaafkaasi ku soo afmeerey Guddoomiyaha ahna Musharraxa WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa iyagu diiday sida uu baashe hore uga diiday ergada maaraynta khilaafka wakiilada cidkasta balse si dareen leh oo aad shaki badani u hadheeyay uga aqbal hogaanka xusbiga waddani oo guriga musharaxa waddani ku sugan.

Xubnahan ayaa isa soo dul taagay fadhigii Baashe Maxamed Faarax kadibna hadalo kulul iyo qaylo isugu daray iyaga oo muujinayay sida ay uga xumaayeen go’aankii uu Guriga Cirro ku aqbalay taasi oo ay u arkayeen lib uu Baashe Siiyey Musharrax Cirro.

Cabdikariin Xinif, oo isagu markasta isu eekaysiinayay inuu la qadiyad yahay Cabdilaahi Balaaki iyo Xildhibaan Obama ayaa waxa ay Guddoomiye Baashe si xun ugu canaanteen in uu jabiyey sida ay ku doodeen awooddii oo uu khiyaameeyey sida ay hadalka u dhigeen iyaga oo sheegay in raggii ay is hayeen uu ka raacay oo dhexdhexaadinta cusub ee ay la yimaaddeen aqbalay iyaga oo ku faanay in ay cod ku soo saareen isaga ee aanu Baashe Kursiga ku fadhiyin aqbalaad iyo dhexdhexaadin.

Dhabarka ayaad naga jabisay, waxan aad samaysay wax la aqbali karayay ma aha. Ma iyagaa ku doortay annaga ayaa ku dooranay oo codakayaga kugu soo saarnee. Sideed ragga aan is hayno ugu nuglaatay. Waad na khiyaamaysay. Annaga ayaa ku dooranay ee ma WADDANI baa ku doortay.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa isku dayay in uu dejiyo saaxiibadii isaga oo aad ula yaabban sida ay u arkeen qorshaha lagu soo af-meeray khilaafkii wakiilada balse masuuliyiintani kuma ay simin waxaanay ka dul dhaqaaqeen kadib markii xubno kale oo meesha joogay ay isku dayeen in ay ka kaxeeyaan goobta.

Marka arinatan dhinacyo badan laga eego oo waliba dhanka xogogaalnimada shaqsiyaadkii ka ag dhawaa dhaqdhaqaaqyada xinif iyo baashe ba ay sheegayaan in marka hore ba xusbiga kulmiye aanay si togan ula shaqaynayn oo saamayn uu ku lahaa labadan masuul xirsi oo hore u ahaa wasiir isagu masuuliyiin badan ka dhex samaystay xukuumadii uu ka tagay ee madaxwayne silanyo meelo fagaare ahna ka sheegay intuu xilka ka sii maqnaa in xusbiga iyo xukuumadaba masuuliyiin uga dhex adeega ay u joogan isla markaana dareenka odhanaya xinif iyo baashe wax u dagamsan oo waddaniyaysan ayaa jiray loo soo daliishan karo hadaladaa xirsi uu hore ugu tiraabay

gabagabadii si kasta oo xinif uu labadan xildhibaan ee amakaagsanaa isla markaana baashe hadalada cadhadu ku lamaantahay kula hadlay uu isku eekaysiinayay hadana waxa biyo kama dhib-caan ah in xinif uu markasta la dareen ahaa baashe oo ay qadiyada guusha waddani kala huleelay daminta khilaafkii golaha wakiilada ay mataan ku ahaayeen xinif iyo baashe taasina ay xusbiga kulmiye fiiro gaara uu u yeelan doono in kale oo laftooda tuhuno ku gadaaman yihiin.

Marsamedia/office/ kala so xidhiidh emailka marsa2017@gmail.com ama tell. 0634480472

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews